Home Blog Page 8

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Shacabka U diray Hambalyada Sanadka Cusub

Hambalyada Sanadka Cusub 2020 ee Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu bulshada reer Somaliland Gudo iyo dibedba ugu Hambalyaynayaa curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka. Oo Maalinta Beri Arbacada bilaabmaya.

Gudoomiyuhu waxa uu Rabbi uga baryay inuu Inooga dhigo sanad badhaadhe, Nabad, Aqoonsi iyo horumar buuxa uu qarankeena Jamhuuriyada Somaliland gaadho isla markaana wadajir siyaasadeed iyo mid bulshoba inoo horseeda.

Shaqaale weynaha iyo Dhamaan qoysaskoodana waxa uu u rajeey Farxad iyo fantasiyo Sanadkaas sanadkiisana ay caafimaadsan, Cimri dherer iyo cibaado suuban ku gaadhsiiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo qaar ka mid ah Xildhibaanada isku bedel ku sameeyey Gudiyadooda

0

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax  ayaa maantaa isku bedel  ku sameeyey qaar ka mida xildhibanada Gudi hoosaadyadA  golaha wakiilada JSL

Golaha Wakiilada oo qodob qodob cod ugu qaaday Xeerka maamulka gobolada iyo degmooyinka

0

Hargeysa(SL-Parliament) Isniin 09 December 2019 Fadhigii 29aad ee Kalfadhiga 41aad ee golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax  oo uu weheliyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee golaha md. Axmed-Yaasiin sh. Cali Ayaanle ayaa cod loogu qaaday Xeerka maamulka Gobolada iyo Degmooyinka  dalka oo golaha Guurtidu dhawaan wax ka bedel ku soo sameeyey.

Gudoomiyaha  ayaa qodob qodob  cod ugu qaaday qodobadii xildhibaanada guurtidu soo jeediyeen in wax laga bedelo.

Fadhiga oo ay ka soo xaadireen 51  mudane ayaa markii qodob walba si gaara loogu codeeyey waxa ugu danbayntii lagu ansixiyey sidan

Ogolaaday sidii Goluhu hore ugu ansixiyeen: 44 xildhibaan

Diiday sidii hore goluhu ugu ansixiyey: 3 xildhibaan

Ka aamusay. 3 xildhibaan

Gudoomiyuhuna muu codaynin

Sidaas ayaanu xeerku ugu ansaxay sidii markii hore goluhu ku meel mariyey kuna diideen soo jeedintii wax ka bedelka guurtidu ku soo samaysay.

Golaha Wakiilada JSL ayaa Ansixiyey Xisaab-xidhka Miisaaniyada qaranka ee 2017

0

Hargeysa(Golaha wakiilada) Fadhigii maanta 8 December 2019 ee golaha wakii;lada Somaliland oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha golaha mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa cod loogu qaaday Xisaab-xidhka 2017 ee miisaaniyada qaranka Somaliland.

fadhiga oo ay ka soo xaadireen 42 Xildhibaan ayaa waxa ogolaaday ansixiyeyna 28 mudane waxa diiday 11 xildhibaan waxaana ka aamusay 2 xildhibaan gudoomiyuhuna muu codaynin.

Golaha Wakiilada JSL oo la hor keenay Xisaabxidhkii 2017

0

Hargeysa(SL-P)Fadhigii maanta 02 December 2019 ee golaha wakiilada JSL oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha GoLAha wakiilada mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa loogu qaybiyey Xisaab xidhkii Miisaaniyada ee 2017.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee Golaha wakiilada mudane Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa warbixin dheer oo ku saabsan xisaab xidhkan 2017 golaha u soo jeediyey

Halkan Hoose ka Daawo warkan oo dhamaystiran

Golaha Wakiilada oo maanta ansixiyey odoroska Miisaaniyada 2020

0

Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2020.
Golaha ayaa dood dheer ka dib waxay raaciyeen waxna ka bedeleen Miisaaniyadii dawladu u soo gudbisay golaha waxaanay ku lifaaqeen Goaanadan hoos ku qoran.

Soo Jeedinta Miisaaniyadda 2020.

Soo jeediinta dooda Mudaneyaasha ee Miisaaniyadda Qaranka 2020 qodobada ka soo baxay ee lagu ansixiyey Miisaaniyada guud ee Qaranku waa sidan

1) In Madax/xigaha 26404408 ee kabka Xisbiyada laga jaro lacag dhan 3,500,000,000 (Saddex Bilyan iyo shan boqol oo milyan) lacagtaas oo loo wareejinayo Cusbitaalada waaweyn ee Dalka (Hargeysa, Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood)
2) in Mad/xigaha 2211348 ee Miisaaniyadda Wasaarada Arrimaha Dibada ee sanduqa aqoonsi raadinta Somaliland laga jaro 1,500,000,000/= (Hal bilyan iyo shan boqol oo milyan ) Bilyan oo lagu daro qoondada Wakiilada si ay uga qayb-qaataan aqoonsi raadinta.

Soo jeediinta Guddida dhaqaalaha ee Miisaaniyadda qaranka 2020.

1. In Miisaniyadda 2020-ka ee dawladdaha hoose laga saaro miisaniyadda dawladda dhexe madaama oo hore gole goaan uga soo saaray in la kala qaado miisaniyaddaha dawladda dhexe iyo miisaniyadda dawladdaha hoose
2. In Miisaniyadda dawladda hoose ay dib uga wada shaqeeyaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, maadama aan miisaniyaddan ina hor taala aanay faah faahsanayn isla markaana ay ka maqantahay qaybtii ka hadlaysay kharashka kuna koobantahay dakhli guud oo kaliya.
3. In Mashaaricaha iyo deeqaha kale ee aan ku jirin Miisaniyadda sanadkan 2020-ka ka wada shaqeeyaan Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiilada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka si loogu soo daro Miisaniyadda sanadka dambe ee 2021 haddii Allahu ka dhigo
4. In mashaaricaha socda iyo deeqda qaranka oo aan hadda ku dhamayn Miisaniyaddan ay ka wada hawl galaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta, warbixina looga soo gudbiyo golaha kalfadhiga soo socda.
5. Si loo hubiyo hirgalinta iyo xaqiijinta Miisaniyadda in warbixinta xisaad xidhka uu soo gudbiyo Hanti-dhawraha guud xilliyadda uu u cayimay xeerka hanti dhawr-ka Guud ee Qaranka
6. Waa in la raacaa muddooyinka uu u cayimay soo gudbinta miisaniyadda qaranka sida uu dhigaayo xeerka maamulka maaliyadda taas oo guddida iyo golahaba siinaysa wakhti waafi ah oo lagu falan qeeyo isla markaana laga dodo Miisaniyadda
7. In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2020-ka
8. Waa in la sameeyo hannaan cashuureed oo lagu dhiiri galinaayo waxsoosaarka gudaha.

Xafiiska Warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL
Hargeysa Somaliland