Home Blog Page 13

Golaha Wakiilada JSL oo Maalintii 6aad ka doodaya Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

0

Hargeysa(SL-Parliament)  Salaasa 23 April 2019 Fadhigii 24aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha  Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002 Maalintii 6aad.

Mudanayaasha Dooday:

  1.  Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Dulucda Doodiisa: waxa uu sheegay in ahmiyada xeerkani leeyahay darted ay muddanayaashu xeerkan culayska u saartay waxaanu  ka sheekeeyey in nidaamkii keligii taliska ahaa uu soomaaaliya ka dhigay mmid caasimada uun culayska la saaray dhamaan magaalooyinkii kale ee dalkuna ay noqdeen tuulooyin, waxaanu ka digay in caasimada Hargeysa oo u ekaatay magaalad dawlad ahi ay sidaas ku sii socoto,

Xildhibaan Cartan waxa uu ku dheeraday degmooyinka iyo baaxada ay isku jiraan oo uu tusaale si gar ah u soo qaatay derejooyinkooda iyo sida Galbeed iyo Bari aay u kala fog yihiin

Waxa uu Caabdiraxmaan arinta kabka ka gaws adaygay sida aan cadaalada ahayn ee ay gudidu u soo qaybisay Lacagta Kabka ah waxaanu soo jeediyey in lacagta kabka culayska lagu saaro degmooyink B-da ah  waxa uu yidhi waxaan lacagta kabka ah ka goynaayaaa Wasaaarada oo lahayd 4% iyo Degmooyinka A-da ah oo 33% ah totalka lacagtaas oo 37% ah waxaa uu soo jeediyey in loo  qaybiyo degmooyinka B,C,D

  • Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi

Dulucda Doodiisa: waxa uu faahfaahiyey procedure-ka iyo habka dooda iyo xeerarkaa golaha loo keeno oo uu sheegay inaad moodo inaay inaga luntay nidaam ahaan oo waxa uu si gaar ah u sheegay in xeerka hay’adda keentaa aymarka hore Golaha ka hor akhriyaan faahfaaahiyaan oo ay xildhibaanaduna suaalo ka waydiiyaan.

Waxa uu soo jeediyey in uu adhoc Committee u saaro xeerkan, gudidani waxay qabanaysaa inay isku soo ururiso doodii mudanayaasha isla markaana ay soo naaqishaan oo nxuur ahaan xeer dhisan ay keenaan.

Qodobka awooda gudidu ay ugu yeedhi karto madaxda golayaasha  waxa uu soo jeediyey in halkaaas gudida gudiyada laaga dhigo iyo gole weynahuba way u yeedhi karaan, qodobka 102aad    

Waxa uu sheegay in gudida fulinta iyo fulinta mashaariicda loo maro hab xisaabeedka dawladeed iyo xeerka qandaraasyad.

Si qurux badan bay u soo dhigeen kabka degmooyinka, xerka midaynta cashuuraha xeer Lr.12 oo april 2000 la sameeyey xeerkan gudidu hal qodob bay ka soo qaadatay gebigiisana way wada nasakhday waxaaanu tilmaamay inay sharciga ka soo horjeedo oo sharcigan in la nasakho in wax laga bedeloba uu gudida la qabo laakiiin waa in aynu ka doodno wax iska waydiino bedelno ka dibna ansixino ama nasakhno oo diidno.

Xil ka qaadista Duqa : waxa uu soo jeediyey in hal dheeri xilka lagaga qaado oo aanay suuragal ahayn inta hal dheeri lagu doorto in 2/3 lagaga qaaddo xilka oo ay cadaalad daro tahay , waxa uu sidoo kale soo jeediyey in kordhin oo dhan loo daayo Golaha Guurtida oo dhinac laysu mariy.

Waxa uu dhawr jeer carabka ku adkeeyey Xildhibaan Maxamed in gudi sal-balaadh ah oo wax dalka iyo dadkaba anfaca soo saarta loo magacaabo xeerkan.

Shuruudaha degmo loo eegayo ee lagu qiimaynayo 4ta qodob ee gudidu soo qortayba waan ku raacsanahay wallow ay  u baahan tahay in la xadido oo la define gareeyo mid walba hadana waxaan ku sii darayaa buu yidhi.

Waxa uu soo jeediyey in Abaal marin iyo qaranka waxa ay u qabato lagu daro sababa lagu qiimaynayo.

Waxa uu soo jeediyey in  Degmada Dhoqoshaay oo baaxad iyo populationba leh loo soo dalaco derejada C waayo way u qalantaa

  • Xildhibaan Mxamed Jaamac Cali

Dulucda doodiisa: waxa uu soo jeediyey in magaca xeerka ee wax laga bedelay uu sidiisii hore u daayo, waxa uu ku soo daray dhawrsoonaanta oo ku kooban gobolka ama degmada uu ka soo baxay qodobka qiimaynta ee 60% inay isku filan yihiin waxaan ka dhigayaa 50%,  waxa uu soo jeediyey in degmooyinkaasi ay yeeshaan adeegyada gargarka dab demiska, duufaanada, caafimaaadka iyo wixii la mid ah.

Waxa uu xildhibaanku soo jeediyey in tirada kuraasta degmooyinka sidoodii hore loo daayo oo aan waxba tirade laga jarin.

Waxa uu qaylo dhaan ka bixiyey buuraha magaalooyinka hareeraaha ka xiga oo xeeerku cadaynayo inanay cidina yeelan Karin waa musiibo inagu soo food leh oo hadaan wax laga qaban laga qoomamayn doono maadaama ay dad gaar aahi sheeganayaan yeesheen oo manaafacaadsadaan.

Waxa uu soo jeediyey in wax ka bedel lagu soo sameeyo Xeer Lr.12 oo gudida  maaliyaadu arintaas ka soo shaqayso, ugu daanbayna waxa uu soo jeediyey in xeerkan adhoc committee loo sameeyo .

  • Xildhibaan Prof.  Maxamed M Cumar Jiir

Dulucda Dooddiisa: waxa uu sheegay muddoba in golaha aad moodaysay inuu si uyara jiifay oo hab nidaamkii xeerarkuna ay qaloocdeen oo gudiyadii xeerarkii iska haystaan, aan cidii xeerka keentay aanay faahfaahin ku samaynin oo wasaarada maaaliyada uun aad moodaysay in beryahan ku hadhsanayd.

Waxa uu sheegay in uu qalad u arko in tirade la dhimo golayaasha deegaanka sidoo kalena ay muhiim tahay inay xasaanad yeeshaan

Waxa uu dawladii hore ee Siilaanyo ku bogaadiyey inay bulshada guud ahaan ilaa heer tuulo ay ku abuurtay hami wax qabsi oo gaar iyaga u ah

  • Xildhibaan Xasan Muuse Hufane

Waxa uu soo jeediyey in kuraasta golayaasha deegaanada loo daayo siday xukuumadu soo jeedisay Dhawrsoonaanta mudanayaasha lha loo daayo baan qabaa, xil ka qaadista duqana waxaan soo jeedinayaa in kala badh iyo hal ay ahaato , waxaan soo jeedinayaa oo kale buu yidhi in lagu cadeeyo xeerkan gudoomiye kuxigeenka golaha oo shirgudoo

Golaha Wakiilada JSL oo Maalintii 4aad ka doodaya Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

Golaha Wakiilada JSL  oo Maalintii 4aad  ka doodaya Xeerka  Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

Hargeysa(SL-Parliament)  Axad  21 April 2019 Fadhigii 22aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha  Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002 Maalintii 4aad.

Mudanayaasha Dooday:

  1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)

Dulucda Dooddiisa : gudidu waxay wax ka bedeshay 47 qodob waxaanan odhan karaabuu yidhi waa dhalan-rog xeer, gudidu gobolka maroodi jeex waxay u soo samaysay 2 degmo oo A ah taas oo ka soo horjeeda buu yidhi qodobka 9aad ee xeerkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan  Xoog waxa uu si adag uga soo horjeestay in Hargeysa loogu yeedhi waayo Caasimada, maadaama aan ahay xildhibaaan laaga soo doorto Caasimada, sidoo kalena waxa uu soo jeediyey in Caasimada 2aad ee BURCO Lagu cadeeyo xeerkan.

Waxa uu sheegay in erey bixinta  xildhibaan iyo xubin gole deegaan (Councilor) la isla saxo oo wax saxa la qaato maadama aan xubin gole deegaan ay dheertahay macquula aanay ahayn in loogu yeedho.

Waxa uu soo jeediyey haddii qiimaynta iyo kala xadaynta xukuumadu ku soo dhamayn waydo 2dda sano ee ay soo jeediyeen maadaama ay mar walba soo noqoto aynu ku darno waxay ahaanayaan sidaa ay ku soo gudbiyeen oo ansax ku noqonayaan.

Qodobka 22aaad  ee kuraasta degmooyinka Hargeysa A+ Halaga daayo buu soo jeediyey oo halkaas Caasimada halagu bedelo

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa sheegay in aan Caasimada 2aad ee dalka ee BURCO aan lagala mid dhigi Karin degmada Gabiley oo aanay isku kuraas noqonin.

Dhawrsoonaanta xildhibaanada Golaha Deegaanka waxaan aaminsanahay buu yidhi in xasaanada  loo wada daayo oo aan qaarna xasaanad la siinin qaarna laga qaadin.

Waxa uu xildhibaanku ku talinayaa Qod 29aad in laga saaro farqada (C), Sidoo kale muddo xileedka golayaasha deegaanka ayuu gudida ku waafaqay inay xilka sii hayaan inta gole kale laga soo dooranay, waxaanu soo jeediyey in muddo kordhintooda loo soo gudbiyo Golaha wakiilada oo ay Goaan ka gaadhaan.

Waxa uu soo jeediyey in cashuuraha kastamada dalka ee laga qaado dadka reer Somaliland bari ilaa Galbeed waxa waajib ah in si siman loogu qaybiyo, waxaanu soo jeediyey in somalilaand la wada leeyahay laga shaqeeyo oo aan meesha la keenin tii lagu kla caabanaayay.

  • Xuseen Ismaaciil Yuusuf

Dulucda Dooddiisa:  waxa uu soo jeediyey inaan lagu degdegin xerrkan meel marintiisa, waxa uu soo jeediyey inaan tirade kuraasta degmooyinka aan waxba laga bedelin sidoodii hore, sidoo kale waxa uu ka soo horjeestay in xasaaanaada lagaa qaado xildhibaanada golayaasha deegaanka.

Muddo xileedka ayuu soo jeediyey in xukuumada loo daayo oo ay chairman u magacawdo awood leh golayaashuna iska joogaan iyagoon awood fulineed lahayn.

Xildhibaan Xuseen waxa uu ka biyo diiday sababta Oodweyne iyo Gabiley oo isku dad, xoolo iyo beeroba ahi isku waqtina loo magacaabay derejada B ay midina A ku noqotay midina B u noqotay wuxuun baan u malaynayaa inuu yahay dheri ninkii u dhaw baa lafta kaala baxa.

Degmada waa in lagu qiimeeya waxa ay resource hayso

  • Xildhibaan Maxamed  Maxud  Cumar Xaashi

  Dulucda doodiisa: waxa xildhibaankuuu ku dheeraaday nidaamka iyohabka xeerku u yaalo oo uu sheegay in lagu noqdo lana hagaajiyo, waxa uu soo  jeediyey in tirade kuraasta Caasimada laga dhigo 17 Degmooyinkaa kale ee A da ahna 13,  sidoo kale B 9,  Degmooyinka C 7, Degmooyinka derejada D 5

  Xil ka qaadista duqa iyo kuxigeenkiisa waxa uu soo jeediyey in hal dheeri xilka lagaga qaado, waxa uu soo jeediyey in kabka lagu siiyo si isku mid ah intii isku derejo ahba.

  • Xildhibaan Saleebaan Diiriye Bare

Dulucda Dooddiisa: waxa uu ku dheeraaday inaanay mudanayaashu markhaati ka noqonin sed bursi iyo kala saraysiin bulsheed oo hortooda ka dhacaya.

Somaliland waxa ay leedahay 6 gobol waxaana lagu soo daray xeerkan gobol kale sidoo kale waxa uu soo jeediyey in 6 degmo oo A ah ay jiraan iyo 7 B ah oo kala ah (saylac, Gabiley, oodweyne, Ceel-afweyn, Badhan, buuhoodle, sheikh ).

Golayaasha deegaanka waxaan qabaa inay yihiin xildhibaano waana inay xasaanad yeeshaan maadama shacabku doorteen

 Waxaan aaminsanahay in xubnaha golayaasha deegaanka la yareeyo.

Waxa uu sidoo kale xildhibaanku sheegay in Hargeysa Caasimad loo soo qoro oo aan degmo keliya lagu dhaafin

Kabka ayuu xildhibaanku soo jeediyey in degmooyinka sidan loogu qaybiyo

A B C D wasaarada
4 1.7 1.5 0.6 2.5
  • Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

Dulucda Dooddiisa : waxaan magaca xeerka u bixin lahaa Xeerkaa Hab mamulka Gobolada iyo degmooyinka, xildhibaan Saleebaan Bukhaari   Waxa uu soo jeediyey in Caasimada loo daayo caasimada oo keliya aan la odhan waa A+.

Waxa uu taageeray soona dhaweeyey sidaa gudidu ka soo dhigtay.

Waxaan la qabaa xildhiaanadii hore inaanay suuragal ahayn in xasaanada laga qaado xildhibaanda  waxaanaynu ku kala duwanahay iyagu dhinacna waa Baarlamaan dhinacna waa fulin iyo xukuumad oo dakhli bay soo ururiyaan kharash bay galaan oo dhinacba cid bay ka metelaan.

Haddii musuq maasuq lagu eedeeyo oo keliya  madaxweynaha ayaa xasaanada mayorka ka qaadaya oo xagaas ha kala mid noqdaan golaha wasiirada  oo kale.

Xildhibaan Bukhaari waxa uu sheegay in dhamaan awoodihii gudoomiyaha gobolka loo wareejiyey Gudoomiyaha degmada.

Xildhibaanka oo ka hadlaya adeegyaada aas aasiga ah ayaa sheegay in wakaaladihii biyaha in qaarkood ay gacanta ku hayaan Maareeye madaxweyne magacaabay qaarna maareeye uu wasiirka biyuhu magacaabay  qaarna mayoradu ay maamulaan waxaan soo jeedin lahaa in wasaarada Biyuhu masuul ka noqoto biyaha degmooyinka iyo gobolada.

Waxa uu soo jeediyey in xil ka qaadista duqa iyo  kuxigeenka xilkaa lagaga qaado Kala badh iyo Hal tirada golaha,waxa uu xoojiyey in 6da magaalo madax ee gobolada waaweyn isku derejo halaga dhigo, 8da gobol  ee cusub magaalo madayadooda waa inay isku derejo ahaadaan. Kabkana waa inay in is leeg qaataan.

Waxa uu soo jeediyey in degmada Caynaba oo ah degmo soo jireen ah oo weyn oo degmo doorasho ah waa qalad weyn inay C ahaato, degmooyin la midana looga sed buriyo kuwii ay la derejada ahaayeen

__________________

Bahda Warbaahinta ee

Golaha Wakiilada JSL

Golaha Wakiilada JSL oo Maalintii 3aad ka dooday Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002

0

Golaha Wakiilada JSL  oo Maalintii 3aad  ka dooday Xeerka  Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002

Hargeysa(SL-Parliament)  Sabti  20 April 2019 Fadhigii 21aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha  Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002 Maalintii 3aad.

Mudanayaasha Dooday:

  1. Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal

Dulucda doodiisa: waxa uu xildhibaanku soo jeediyey in  Xeerka magiciisii loo  daayo, sidoo kale 14ka Gobol ee dalka magaaalo madaxyadoodu in ay noqdaan Derejada Aayuu soo jeediyey, xildhibaan Raygal waxa uu soo jeediyey in Gobolkii Maroodi jeex noqdo a) Caasimada oo 6 degmo ah, b) Gobolka Hawd iyo c) gobolkaa Gabiley. Sidoo kale waxa xildhibanku  uu is daba marayey qoondada kabka ee derejooyinka oo sida ay u kala weyn yihiin, waxaan derejada A SIINAYAA waa CEELAL, LAAS-CIIDLE, iyo

  • Xildhibaan Maxamed X Xuseen Ciise

Dulucda dooddiisa: magaca xeerka ayuu soo jeediyey in sidiisii uu ahaado waxaanu yidhi xaga danbe waxa lagaga dari karaaa kelmadan Kaabista oo noqonaya sidan Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka wax ka bedelkii 2aad, waxa uu soo jeediyey in qiimayn danbe lagu sameeyo sida xeerkuba dhigayo derejooyinkana wax laga bedelo.

Waxa uu waafaqay kuraasta ay gudidu u soo qoondaysay degmooyinka dalka in laga doorto, Xildhibaanku wxuuu ku dheeraaday sida aanay macquulka u ahayn in 70degmo oo dheeraada loo soo sameeyo ee ay dawladnimadii u kharibaysa.

Waxa uu soo jeediyey in 18 bIlood laga dhigo qiimaynta Gobolada iyo degmooyinka .

  • Xil Axmed Cabdi  Nuur Kijaandhe

Dulucda Dooddiisa:-   waxa uu soo jeediyey in Xeerka loo saaro Guddi Gaara (ADHOC  Committee ) waayo xeerku dhamaaantii wuxuu u baahan yahay dib ugu noqosho.

Waxa uu ku dheeraaday si weyna u dhaliilay nidaamka maamul daadejineed iyo dawlad la’aaneed ee ka jirta gobolada bariga iyo guud ahaan dalkaba waxa xildhibaanku uu sheegay in aanay totally jirin maamulkii isku duba ridi lahaa baahiyaha heer gobol iyo heer degmo oo maanta ay bulshadii dayacan tahay.

Waxa uu sheegat inuu xeerkani heer gobol kamaqan yahay oo ay tahay in lagu soo daro awoodaha gobolka iyo sida degmooyinkani isugu xidhmayaan.

Waxa`uu xildhibanku waafaqay soo jeedintii gudida ee kuraasta degmooyinka laga dooranayo.

Waxa uu xildhibaan Kijaandhe si adag u soo jeediyey  si dadku u manaafacaadsadaan dhulkooda awoodooda la daadejoyo loona ogolaado

  • Xil Maxamuud Ismaaciil Badde

Dulucda dooddiisa:-  waxa xildhibaanku uu taageeray magicii hore ee Xeerka waxaana sheegay in xukuumadaha dalka soo maray ay u fududahay in gobo lama degmo la magacaabaa balse ay ku adag tahay qiimayntoodii iyo  shuruudo marinteeda.

Waxa uu soo jeediyey in dhamaan degmooyinkii iyo goboladii digreeto madaaxweyne ku soo baxday in ay xeerkan ka muuqdaan ilaa inta si  rasmiya loo soo qiimaynayo, waxa uu soo jeediyey in komishanka qiimaynta  gobolada iyo degmooyinka degdeg loo magacaabo si ay 2 sano ugu soo dhamaystiraan qiimayntaas.

Waxaan ku raacsanahay in la dhimo waxaanan waafaqsanahay buu yidhi sidii xukuumadu u soo dhigtay .

Waxa uu sheegay marka doorashada golaha deegaanku waqtigeedii dhici wwaydo Hadaynu kala dirno dimuqraadiyadii baynu ku tumanaynaa dib u noqoshana way inagu noqonaysaa waa in haalkaas la yidhaahdaa waxa goaan ka gaadhaya guurtida oo mudada u kordhinaya.

Waxa uu sheegay in xil ka qaadista Duqa iyo kuxigeenkiisa in lagaga qaado kala badh iyo hal tirade golaha (Absolute Majority).

Waxa xildhibaan Badde uu soo jeediyey degmooyinka kastamada leh ee  10% ka qaata hadana kabkana qaadanaya wwaa cadaalad daro , waxa uu sheegay in degmo kasta ileheeda dhaqaale halkeeda ay ku qaadataa qoondada kastamkeeda 10% ka tusaale ahaan Xoolaha gobolada Togdheer, Sanaag iyo SOOL Waa inay halkooda ku qaataan .

Gudoomiye waxaan codsanayaa soona jeedinayaa in gudi khubaro ah oo garanaya oo gaar ah loo saaro xeerkan si ay degdeg ugu soo celiyaan goalaha waxna uga soo bedelaan xeerkan.

  • Xildhibaan Axmed  Maxamed Diiriye (Nacnac)

Dulucdaa Doodiisa:- Waxaaan soo jeedinayaa mudane Gudoomiye  in xaruntii dibu xoraynta Dalka ee Baligubadle laga dhigo “A+” oo laga horaysiiyo dhamaan  degmooyinka waaweyn ee jira maadaama ay ka mudan tahay

  • Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale

Dulucda Doodiisa:- magaca xeerka waxaan u daayey sidiisii hore, waxa uu xildhibaanku soo jeediyey in Zones loo qaybiyo deegaanada oo 5tii tuulaba loo wada sameeyo gudida horumarinta ZONE-Heblaayo.

Tirada xubnaha degmooyinka waxa UU soo jeediyey

Caasimada A B C D
19 15 13 9 5

Kabka degmooyinka waxa uu sheegay in derjeda lagu sar jaro oo aanay degmooyin isku derejo ahi kala kab badsanin.

Waxaan soo jeddinayaa in Guddi gaar ah loo saaro xeerkan oo dib u soo lafa gurta

  • Xil Cabdiqaadir Jaamac Xaamud

Dulucda doodiisa: Xeerka magiciisii hore ayuu soo jeediyey in loo daayo oo uusax ku yahay waxaa kale o uu soo jeediyey in waqtiga 2da sano ah ee gudida qiimaynta in lagu soo ururiyo 6 bilood maadaama ay waqti dheer tahay.

Waxa uu waafaqay soo jeedintii gudida ee kuraasta degmooyinka marka laga reebo caasimada oo uu sheegay inay ku yar tahay 15 xildhibaan

  • Xil Ibraahim Mahdi Buubaa

Dulucda Doodiisa:  waxa uu sheegay in xeerkani inuu dhaqan gala ay cuslaataay oo uu ka da’ weyn yahay goleheenan sababaha uu u shaqayn waayayna waxa uu yahay sida uu u dhisan yahay, waxa uu faahfaahiyey in nidaamkan haddaa golayaasha loo dhisayo laga guuro oo Maayor iyo laba mayor ku xigeen ha loo doorto.

Waxaan aaminsanahay in degmo kasta oo degmo doorasho ah xisbi waliba soo sharaxdo 3das kursi ee Mayor iyo laba kuxigeen, arintaas daraasad iyo lafa gurid ha lagu sameeyo  

Xildhibaan Ibraahim waxa kale oo uu soo jeediyey in shuruudaha degmo lagu noqon karo uu xeerkani cadeeyaa sida dadka, baaxada dhulka, wax soo-saarka

Bahda warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha

ee Golaha Wakiilada JSL

dooda Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2001 oo maalintii 2aad Galashay

Hargeysa(SL-Parliament)  Salaasa 16 April 2019 Fadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Goluhu  Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay ka soo qayb-galeen 43 Mudane ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2001 Maalintiisii 2aad.

Mudanayaasha Dooday:

  1. Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule

Dulucda Doodiisa: Waxa uu sheegay in xeerkani nidaam ahaan aanu waafaqsanayn sidii xeerarku ku iman jireen oo 3 xeer oo kala duwan lays barbar waday, waa in liiska lagu soo daro goboladii cusbaa maadama la soo qiimayn doono dhamaan, Qodobka 10aad waan ku waafaqsanahay Liiska degmooyinka “D”, waxa uu sidoo kale uu ka soo horjeestay in la dhimo tirada golayaasha deegaanka,

 xildhibaanku wuxuu waafaqay soo jeedinta gudida ee in lagu sameeyo  qiimaynta 2 sano. Waxaan qabaa in degmooyinkii hore ee lixda ahaa ay “A” noqdaan kuwii kale ee Derejada“B”ahaana ay halkoodii ahaadaan oo aan lakala saarin, oo degmooyinka “Bda hore u ahaa aanay jirin sabab ay A u noqdaan , waxa uu si adag uga soo horjeestay in xasaanada laga qaado xildhibaanada deegaanka maadaama la soo doortay, Duqa iyo kuxigeenkiisa in gaar loo siiyaana suuragal maaha.. xili dooraashadooda waxaan waafaqsanahay sida gudidu soo jeedisay in golahani xilka sii hayo inta gole kale la dooranayo haday doorashadu suurageli weyday. Qodobka 34aad mudada kala guurka ah laga saaro qodobka lagu soo daray ee odhanaya buu yidhi hadii la waayo xoghayaha degmada, waayo buu yidhi sabab loo waayi karaaba ma jirto.

Qodobka 70aad Xil ka qaadista duqa iyo kuxigeenkiisa waxaan soo jeedinayaa in 3/1 ay soo jeediso lagagana qaado kala badh iyo hal tirada Golaha taas oo mooshinkii golaha la keenayna waafaqaysay.

Qodobka 84aad kabka degmooyinka waxa uu soo jeediyey 2 qodob hadaynu cadaalad u eegayno oo dalka wax u qaybinayno waxaan soo jeedinayaa in ta kastamka ee 10% ah iyo ta Kabka ee 12.5% ka ah in inta laysku daro loo wada qaybiyo degmooyinka waana in derejooyinka lagu qaybiyo oo saami is leeg loo wada siiyo, waxa uu xildhibaanku u qaybiyeyey sidan

Derejada          

A: B C D
4% 2.5%  1.5%   0.5%.
  • Xildhibaan Maxamuud Dhunkaal Guutaale

Dulucda Doodiisa:   waxa uu sheegay in wax ka bedelkii uu gebigoodiiba meesha ka saaray, qod.9aad  Jamhuuriyada Somaliland waxay ka kooban tahay 14 gobol oo 6 ka mid ahi ansaxsan yihiin, 23 degmo oo ansaxsan iyo 70 aan ansaxsanayn, waa in ay ku cad yihiin dhamaan goboladan iyo degmooyinkani xeerka oo aanu garanayn sabab looga reebay. 4tii derejo waxa ku soo kordhay derejo kale oo ah “A+”degmada hargeysa waxay la mid tahay degmada Borama iyo Berbera oo waan ka soo horjeedaa derejadaas 5aad , Tirada kuraasta degmooyinka tii waxaan qaatay Xukuumada ee derejada “A” ay 17 xubnood ka dhigeen, qodobka 24aad Xasaanada waxaan qabaa inay leeyihiin Xasaanad oo aan la xidhi Karin hadaanay faraha kula jirin dembi ciqaabeed xukunkiisu gaadhayo 3 sano. Xasaanada ay leeyihiina waxay ku eeg taahay degmada ay ka soo baxeen.

Qodobka 34aad  kala dirista waxa uu sidii xildibaankii hore ayiday inaan la waayi Karin xoghayaha degmada oo farqadaas laga saaro. Waxa uu sidoo kale xildhibaanku ayiday oo taageeray in haddii doorashadii dhici waydo in ay xilka sii hayaan golihii hore inta doorasho lagu qabanayo. Waxaan soo jeedinayaa  Badhasaabkka, kuxigeenka iyo xoghayaha gobolkuba waa inay noqdaan shaqaale wasaarada ah oo aanay noqon dad suuqa laga keenay maadaama ay yihiin Saraakiil wasaarada ka tirsan oo xeerkuna sidaas dhigayo.

Qodobka 70aad xilka qaadista mayorka iyo kuxigeenkiisa xilka waxa ka qaadi kara keliya cidii u dhiibatay waxaana leh golaha deegaanka ee doortay, waxaana lagaga qaadi karaa xilka Kala badh iyo Hal tirada golaha, Madaxweynahaa sidaas ah oo goleheenaa sidaas ah maxaa gole deegaan yar sidaas loogu adkaynayaa.

Qod. 84aad  waxaan soo jeedinayaa inaanay isku mid noqon degmo dhaqaale soo saarta  iyo mid cidlo iska fadhidaa inaanay isku kab noqonin, waxa uu soo jeediyey in xeer Lr12 golaha lagu soo celiyo si wax looga bedelo sidoo kalena waxa uu soo jeediyey inaan degmooyinka lacagta kastamada ee 10%ka  qaataa aanay ka qayb gelin ta kabka.

  • Xildhibaan Baar Siciid Faarax

Dulucda Doodeedda: dhawr qodob ayay xildhibaan Baar is dul taagtay waxay sheegtay in golaha deegaanku yihiin gole sida golayaasheena loo doortay sabab xasaanada loogu diido anigu magaraanayo waana lagu degdegay, sidoo kale waxay ka hadashay degmooyinka C-Da ah ee ay isku meeqaamka yihiin degmooyin shalay la magacaabay oo 2 cariish yar yar ah waxa ka mid ah GAR-ADAG iyo LAAS-QORAY.

Waxay soo jeedisay in degmooyinka

A B C D
15 kursi 13 kursi 9 kursi  7 kursi
  • Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid

Dulucda Dooddiisa: xeerka waxa uu sheegay in magicii laga bedelay oo la yidhi Xeerka kaabista iyo wax ka bedelka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka waana qalad oo wax ka bedelku xeerkuu dhex galaa ee magaca ma noqdo. Waxaanu soo jeediyey in magiciisii hore loo daayo, waxa uu xeerku waajibiyey in gbol kastaa yeesho derejooyinka A,B,C,D waxaana uu tilmaamay gobolo aan intaasba lahayn sidaaa daraadeed waxa uu sooo jeediyey in aan la waajibin ee wuu ka koobnaan karaa laa yidhaahdo.

Waxa uu soo jeediyey in tirade kuraasta Gobolada laga dhigo

Hargeysa A B C D
21 kursi 15 kursi 13 kursi  11 kursi 7 kursi

Qod 32aad is casilaada mudanaha waxaan soo jeedinayaa halka duqa degmadu amsixinayo ama ka aqbalayo waa inuu goluhu ka aqbalaa oo u codeeyaa, waaxaan soo jeedinayaa haddii golaha deegaanka waqtigiisii dhamaado oo aan loo kordhinin waa la kala diray oo sharciyan sidaas buu ku kala dirmayaa, waana marxalada aynu hadda ku jirno  

Qodobka 44aad waxaan soo jeedinayaa in dib loogu noqdo oo awoodas ma wada lehee la siiyo cidii lahayd.

Waxa uu xildhibaanku ayiday  Xasaanada oo uu sheegay inuu xildhibaanada iyo  gole weynahaba la qabo in xasaanada la siiyo oo ay leeyihiin maadama ay karaamadii umada huwan yihiin.

Sidoo kale waxa uu xildhibaanada la ayiday in xil ka qaadista Duqa iyo kuxigeenkiisa laga dhigo Kala badh iyo hal tirade golaha

Qodobka 84aad ee kabka iyo sida loo qaybiyey ayuu Xildhibaanku sheegay si laysu soo gaadho oo degmooyinka meelaha badan wax ka hela ee JPLG, Kabka iyo ta kastamkaba qaata laga yareeyo oo

  • Xildhibaan CABDI Maxamuud Jaamac

Dulucda Doodiisa:, waxa uu soo jeediyey in loo daaayo Hargeysa Caasimadeeedii, sidoo kale waxa uu ka hadlay in da’dii kor loo qaado oo halkii aynu 25ka ka ddhignay laga dhigo 30 ama 35 in lagu soo galo golaha.

Xil ka qaadista Duqa waxaan odhan lahaa Hal dheeri halagu bedelo

  • Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige

Dulucda Doodiisa:, Waxa uu sheegay inuu xildhibaaanada la qabo isku daadsanaanta iyo nidaam xumada xeerka ka muuqata, waxaan soo jeedinayaa inay xasaanadii xildhibaanada golaha deegaanku wada yeeshaan.

Derejooyinka sida loo qaybiyey waa qalad “A+” Markii la sameeyey maxaa A- B+ iyo derjooyinkaasna loo samayn wayaay waa iska waxaan jirin. Ama 14ka gobol “A” halaga wada dhigo  ama 6dii gobo lee hore caasimadohooda oo keliya halaga wada dhigo “A” Haddii caasimada loo sad kordhiyey Caasimad ku xigeenkana halagu daro oo ha ka saami badato kuwa kale.

Waxa uu yidhi macno badan kuma fadhido inaan xildhibaano loogu yeedhin mana qabo ee sidii hore ha loogu yeeedho Xildhibaano.

  • Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

Dulucda Doodiisa;  waxa uu ku taageeray xildhibaan xuseen soo jeedintiisii ahayd magaca Xeerku inuu sidiisii ahaado,  qodobka 108aad laalista xeer Lr.12 iyo xeerarka kale ee ka soo horjeeda  xeerkan waxa uu soo jeeiyey inaan la burin Karin ee cakiskeeda uu u hogaansamo.

Tirada xildhibaanada gole deegaan waxaan soo jeedinayaa inay sidoodii hore ahaadaan,  macquullna maaha in 15 caasimada laga dhigo. Waxa uu soo jeediyey in Xasaanada la wada yeesho oo xildhibaanada iyo mayorkuba ay leeyihiin doorashada shacabkana ay ku leeyihiin xasaanada.

Waxa xildhibaanku sheegay in madaxwweynuhu kala diri karo loomana baahna in lagu soo daro qodobka ah in doorashadu haday dhici waydo golihii hore xilka sii hayo.

Bahda Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha

Ee Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa Somaliland

Golaha Wakiilada JSL oo Maanta ka dooday Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002

0

Hargeysa(SL-Parliament) Isniin 15 April 2019 Fadhigii 19aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad  Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ay ka soo qayb-galeen 45 Mudane ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002

 Mudanayaasha ka dooday  Xeerkanni waxay ahaayeen

  1. Xildhibaan Maxamed X Yuusuf  Axmed (Waabeeyo)

dulucda doodiisa; darajooyinka degmooyinka iyo qiimayntooda, waxa uu soo jeediyey in Degmada Hargeysa A+ Waxa ka dhigay suaal baa ka taagan, Degmada Gebiley  maxaa ka dhigay Derejada (A) ? Tiraada xildhibaanada degmooyinka iyo sida aanay isku mid degmooyinka qaar unooqn Karin , xildhibaanada  Dhawrsoonaantooda  iyo  qaybinta degmooyinka ee Kabka cashuuraha

  • Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye

dulucda doodiisa; soo jeedinta wax ka bedelqodobada 15aad, 18aad, 22aad  wuxuu soo jeediyey in kuraasta Degmooyinka ee xildhibaanada sidoodii loo daayo, mudanayaashuna in ay xasaanadoodii yeeshaan oo aan cidina ka qaadin, waxa uu soo jeediyey oo taageeray in Golihii deegaanka ee hore sii joogo inta gole kale la soo dooranayo, waxa uu soo jeediyey in dhaqaalaha kabka ee Degmooyinka  si siman loogu qaybiyo oo derejooyinka loo raaco.

  • Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur

dulucda doodiisa; Labada sano ee qiimaynta oo uu ku soo koobay 16 bilood, derejooyinka degmooyinka ayuu soo jeediyey in isku mid laga dhigo oo A+ Aanay jirin ee dhamaan degmooyinka A-da ahi ay (A)  wada yihiin, waxa uu soo jeeiyey in tirada Golaha deegaanka ee 25ka caasimadaa la soo kobo, TIRADA Laga soo dhigay degmooyinka tiradoodana wuu taageeray,  DEREJADA Oodweyne oo 1963kii laga digay B iyada iyo Gabiley in midina A ahaato midina B-deedii ahaataa waa qalad waxaanse u daynayaa gudida qiimaynta soo samaynaysaa sida ay ka yeesho. Waxa uu sheegay in Shaqadii degmada oo dhan la hoos geeyey Duqa, badhasaabka iyo maamulka kalena meesha kama muuqdaan waxa ay ka  qabanayaan isagoo soo jeediyey in  arintaas lagu cadeeyo, Dhawr soonaanta mudanayaasha gole deegaan waxa uu soo jeediyey inay wada leeyihiin dhawrsoonaan iyo xasaanad, lamana kala qaadi karo mayor-ka iyo xildhibaanada in qaarna xasaanad la saaro qaarna laga qaado oo ay ceeb ka gole ahaan inagu tahay. Waxa aan ka soo horjeedaa buu yidhii in madaxweynaha wax kasta la hoos geeyo oo xataa la gaadhsiiyo in xataa uu xilka ka qaadi kkaro mayor-ka iyo kuxigeenkiisa.

  • Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan:

dulucda doodiisa; xil ka qaadista Mayor-ada  ooh ore goluhu uga dhigay 2/3 watii abuurtay Digtaatooriyad sababtay in mooshin xeerkan laga keeno, doodii mooshinka waxa ka dhalatay inaanu xasaanad yeelan xildhibaanada golaha deegaanku,  waxa uu soo dhaweeyey in aanay yeelan Xasaanad sidoo kalena waxa uu ku daray ilaa Mayor-ku yeelanin xasaanad, waxa uu soo jeediyey in xilka lagaga qaado mayor-da kala badh iyo hal sidii mooshinkii ka dhalatay golaha la hor keenay, Miisaaniyada dawladaha hoose iyo xisaab xidhkooda waxaan u dhaaxaysiinayaa Maaraynt iyo maamulka Miisaaniyada Dawladaha hoose  

  • Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

dulucda doodiisa;  qaab dhismeedka dawlda waxa uu soo jeediyey sidii xukuumadu soo jeedisay oo sida gudidu soo jeedisay ka haboon,  ansixinta qiimaynta Degmooyinka waxa uu soo jeediyey in ay ku ekaato ansixinta Golaha wasiirada oo Baarlamaanka aan waxba looga baahnayn,  waxa uu soo jeediyey haddii 2 sano gudidu ku sooo qiimayn waydo degmooyinkaas in lagu daro in ay degmooyinkaaasi meesha ka baxaan  oo laga saaro, waxa uu soo jeediyey in la doorto Gudoomiyaha gobolka iyo gudida kale ee Gobolkaba oo ay doorasho ku yimaadaaan.

KULAN HAWLEED AQOONEED OO LABA MAALMOOD U SOCDAY BAARLAMAANKA OO MAANTA LOO SOO XIDHAY

0

Hargeysa(SL-Parliament) Waxa maanta  10 April 2019  loo soo  gebagebeeyey  Kulan Hawleed laba maalmood 09-10 April  u socday  qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo shaqaalaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada).

Kulankan oo kor loogu qaadayay fahamka Xildhibaanada iyo hawl wadeenada golayaasha  ee Doorka Baarlamaanku ku leeyahay Qorshaha 2030 iyo Yoolasha horumar Waara.

Ka qaybgalayaashii kulanka ayaa si hufan isula falanqeeyey shalay iyo maanta sida ugu haboon ee looga qayb qaadan karo iyadoo khubaro aqoon durugsan  u leh mawduucyadii la qaadanayay oo isugu jiray ajnebi debeda looga keenay mawduucan   Iyo khabiiro Soomaali ah ay si wadajir ah  ugu tacliimiyeen ka qayb galayaashii kulan hawleedkan.

YouTube:                             https://www.youtube.com/channel/UCPiZ2Q_XJGBBKLViIvSIZAg?view_as=subscriber  

Facebook Page:                                https://www.facebook.com/Golaha-Wakiilada-Jamhuuriyadda-Somaliland-247577775330732/

Bahda Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha

Ee Golaha Wakiilada

Wakiiladasomaliland@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Kulan Hawleed Laba Maalmood soconaya oo Baarlamaanka loogu qabtay AMBASSADOR

0

Hargeysa(SL-Parliament) Salaasa 09 April 2019 ..Xildhibaanada iyo shaqaalaha Labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa Maanta Huteel  Ambassador ee Magaalada Hargeysa waxa uga bilaabmay Kulan hawleed Laba maalmood soconaya oo ku saabsan Doorka Baarlamaanka Somaliland  ee Yoolasha Horumar waara  (the Role of Parliament’s  Sustainable Development Goals ).

Kulankan oo Ay  soo qaban qaabisay Hay’adda UNDP ayaa Maalinta Berina ka sii socon doona Halkaas

Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL ayaa Kulan Galabta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Germany u fadhiya Nairobi

0

Hargeysa(SL-Parliament) 08 April 2019 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador Annett Günther oo uu weheliyo Safiir ku xigeenkeeda, Mr. Markus Bollmohr.

Ambassador Gunther waxay ka wada hadleen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe arrinta doorashooyinka, waxay si qoto dheer u lafagureen sidii ay dooraashada u qabsoomi lahayd wakhtii loo asteeyey iyo sidii ka baarlamaan ahaan dhankooda ay dedaalo dheerada ka sameeyaan wixii kaga beegan gaar ahaan samaynta shuruucda qabyada ah ee la xidhiidha doorashooyiska.

Waxay kale oo ka wadaa hadleen sidii qaran ahaan ay hawlaha loo bahaanyahay iska dhameeyeen intaan doorashada wakhtigeeda la gaadhin.

Gudoomiye Baashe waxaa uu si mug iyo miisaan leh ugu wargaliyey inaanay iyaga kursi jaceyl hayn xildhibaanaduna diyaar u yihiin xili kasta oo ay doorasha qabsoonto inay baneeyaan kuraasta fursadna siiyaan dhalinta siyaasiyiinta da’da yar ee raba Inay noqdaan xildhibaana, balse waxaa uu gudoomiye baashe sheegey inay jiraan caqabado ku gedaaman doorashada oo ay ka mid tahay arinta saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka taasi oo ah caqabad u baahan in si wada jira oo qaran loo xaliyo,  arinta kale ee u baahan in la xaliyana waa arinta komishanka ee xisbiga Dawlada iyo xisbiga mucaaradka ee waddani aanay wali ka heshiin, taasi oo ah arrin iyadu u baahan in laga gaadho xal degdega,  Gudoomiye Baashe wuxuu sheegey in ka baarlamaan ahaan ay diyaar ka yihiin xeerarka la xidhiidha doorashada balse ay u taagenyihiin saamiga kuraasta oo aan wali la xalin.

Kulankani wuxuu ku dhamaadey jawi waanagsan, baashena wuxu ku wargaliyey inay arrimaha yaala ee  doorashada isha allaah qaran ahaan iyagu dhamaysan doonaan sidii awalba loo dhamaynjirey muranada siyaasida ah, rajaweyna uu ka qabo inay doorashadu xiligeeda ku dhacdo.

Gudoomiye Baashe ayaa si gaar ah Safiirada uga mahad celiyey mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan wadankooda Jarmalku isla markaana ku dhiiri geliyey sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen.

Bahda Warbaahinta iyo xidhiidhka Bulshada ee

Golaha Wakiilada JSL