Home Blog Page 12

War-Murtiyeed: Xildhibaano Dalka KENYA ka socda oo Dalka soo gaadhay iyo kulan ay Golaha Wakiilada la yeesheen

0

Hargeysa() 17 MAY 2019 Gudoomiyaha Gudida arimaha Debedda ee  Golaha wakiilada JSL Mudane Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ay weheliyaan gudoomiye kuxigeenka Gudidaas Mudane Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale iyo  gudoomiye ku xigeenka Gudidda joogtada ah Mudane Axmed Ducaale bulaale iyo xubin Guddida dhaqaalaha ah Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac nac)  ayaa kulan xarunta Baarlamaanka kula yeeshay xildhibaano ka socda dalka KENYA oo dalka u yimi ka qayb qaadashada maalinta dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland.

Weftigan xildhibaanada ah ee KENYA ka socda oo qayb ka mid ahina galabta dalka soo gaadhi doonto ayaa waxa hogaaminayay MP Safiya  Cabdi Nuur iyo Gabadh Ganacsade ah oo reer Somaliland ah oo la yidhaahdo Sacdiya Cabdi Faarax waxaana ku wehelinayay 5 xildhibaan oo kale oo laga soo kala doorto county-yada kala duwan ee dalkaas KENYA.

Xildhibaanada iyo gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha debeda ayaa uga xaal waramay taariikhda Somaliland iyo sida ay dib xoriyadoodii ugala soo noqdeen koonfurta Somalia. Sidoo kale waxa ay u sharaxeen taariikhaha ay wadaagaan KENYA oo ingiriisku wada gumaysan jiray,Waxa ay uga mahadnaqeen safarkoodan iyo inay dalka Somaliland yimaadaan waxaanay.

Waxa iyaguna shirka hadalo ka jeediyey dhamaan xildhibaanadii KENYA ka socday oo tilmaamay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin waxan ay indhahooda ku arkeen iyo sida aynu u dhisanay dawlad dimuqraadi ah oo horumar badan ku talaabsatay.

Waxa ay tilmaameen inay doonayaan inay abuuraan xidhiidh intan ka dhow oo u dhexeeya labada baarlamaan iyo labada dawladoodba ah taas oo inoo horseedaysa bay yidhaahdeen inaynu ganacsi labada dhinacba ka imanaya is waydaarsano.

Waxa ay xildhibaanadu carabka ku adkeeyeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan dhinac walba culayskana ay saari doonaan sidii ay Ictiraaf caalamka uga heli lahayd maadaama buu yidhi ay iyadu kasbatay wanaagaas MP JARHET MBIOKI oo arintaas ka hadlayay.

 Markii kulanku dhamaaday ayaa Xildhibaanada waxa lagu soo wareejiyey xarunta guud loona sharaxay, sidoo kalena Gudoomiyaha Gudida arimaha Debeda ayaa  Gudoonsiiyey Hadyad taariikhi ah oo uu ugu talo galay weftiga.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Agaasimaha warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee

Golaha wakiilada JSL

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Tacsi-yeeyey Xildhibaan C/kariin Xuseen oo Geeriyooday maanta

0

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, isagoo ku hadlaya magiciisa iyo ka Xildhibaanada iyo shaqaalaha Golahaa wakiilada JSL, waxa qaranka guud ahaan iyo Golaayaasha Baarlaamaankaba uga Tacsiyeynayaaa Geerida murugada iyo xanuunka badan ee ku timi Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta oo Jimce ah ku geeriyooday magaalada Hargeysa.


Marxuumka oo ka tirsanaa Golaha Guurtida JSL ayaa ka mid ahaa odayadii dhidibada iyo rukunada u ahaa qaranka qayb libaax na ka soo qaatay dibu dhiskii dawladnimada iyo dibu heshiisiintii qaranka oo ilaa maanta uu kaalin laxaad leh ku lahaa, Xildhibaan Cabdikariin Xuseen ayuu gudoomiyaha goluhu ku tilmaamay Haldoor hayin ah oo dalka guud ahaan nabadayn ku maray isla markaana ilaa iyo bilowgii noloshiisa ka soo shaqaynayay wanaag iyo islaaxa umada.


waxa Gudoomiyuhu Marxuumka Rabbi uga baryayaaa inuu Naxariistii jano ugu deeqo shacabka reer Somaaliland-na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


Aamiin.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samotaliye)
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha
ee Golaha Wakiilada JSL

Guddida Dabagalka Hantida Qaranka oo Gobolka Togdheer kormeer ku joogta

0

Burco(SL-Parliament) 7/5/2019 ayaa kormeer shaqo ku gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer9ee Burco Halkaas oo gudidu ay soo eegayaan Mashaariicdii Miisaaniyada ka baxay ee ku jiray xisaab xidhka 2017 iyadda oo Guddidu xooga saartay dhismaayaasha iyo Gaadiid laga saaray Misaaniyaddii 2017 ee ku qoran Xisaab xidhka 2017.

Waxaanay ilaa hadda guddidu kormeer shaqo ku soo martay dhismayaal kala duwan, kuwaas oo lagu sheegay warbixinta xisaab xidhka in laga dhisay Gobolada dalka, gaar ahaan iyada oo Guddidu Komeer ku soo martay Goobo kala duwan, sida Jeelka weyn ee Burco oo dhammaaday, Xaraunta Wasaarada hawlaha Guud, Guryeynta iyo dhulka, iyo Guriga Madaxtooyada Burco. Kuwaas oo dhammaantood ku yaala Magaalada Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Waxa kale oo Guddidu maalintii labadaad safar shaqo ugu baxday Magaalada oodweyne si ay u soo aragto dhismaha Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqogelina oo isna laga hirgeliyey magaalada oo oodweyne, iyada oo sidoo kale ku xusan warbixinta Xisaab xidhka 2017 ee ka timid Miisaaniyadii 2017.

Guddidu waxay rajaynaysaa in dhammaan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey Gobolada dalka ka la wadaagi doonto, ka dib marka la furro kalfadhiga soo socda ee 40aad haddii Alle idmo.

Shir-gudoonka Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa kulan la yeeshay Madaxweynihii Hore ee Dalka NIGERIA

0

Hargeysa (SL-Parliament) Axad 05 May 2019 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax , Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali iyo Gudoomiye kuxigeenka 1aad mudane Axmed-Yaasiin Sh Ali Ayaanle  ayaa maanta kulan Xarunta Golaha Wakiilada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka NIGERIA  Olusegun Obasanjo dalka Booqasho laba maalmood ah ku yimi.

Olusegun Obasanjo oo 8 sanadood madaxweyne ka ahaa dalka Nigeria isla markaana 4 sano hogaan u ahaa Ururka Midowga qaramada Afrika imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga  ayaa shirgudoonka u sheegay inuu dalka u yimi  inuu xog ogaal u noqdo xaalada Somaliland isla markaana uu indho indheynayo xaqiiqada taala dalka si uu gacan uga geysto Halganka Somaliland ugu jirto Himaladooda.  

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa weftiga u sharaxay dalka Somaliland iyo taariikhdeeda soo jireenka ah waxa uu tilmaamay Gudoomiye Baashe in Somaliland oo 26 Juun  1960kii xornimadeeda ka qaadatay dalka ingiriisku ay la midowday Somaalidii Koonfurta oo talyaani gumaysan jiray isla markaana ay midoobeen 1dii July 1960kii, waxa uu ka waramay wixii ay midowgii kala kulmeen isla markaana ay 18 may 1991kii ay xoriyadoodii dib ugala soo noqdeen soomalidii konfureed ee ay 1960kii la midoobeen.

Waxa uu gudoomiye baashe u sharaxay sida aanay Somaliland u ahayn dal cusub oo hadda  la samaynayo ama xuduud cusub qaarada afrika ku soo kordhinaya ee ay waafaqsan tahay mabaadiida Qaramada afrika saldhiga u ah ee salka ay u tahay xuduudihii gumaystuhu qaarada u dejiyey 1884kii.

Warbixin dheer oo gudoomiyuhu xaalada Somaliland ugu sharaxayay ayuu sheegay in ay Somaliland ka badbaaday  faragelin dibadeed oo ay kaga soo  gudbeen Talada  odayada dhaqanka, wadatashi iyo isu tanaasul siyaasadeed taas oo umada reer Somaliland u horseeday inay ku guulaysataan dhisida dalkooda iyo inay ka hirgeliyaan dimuqraadiyad buuxda ooh al cod iyo hal qof ah.

Gudoomiyuhu wuxuu aakhirkii u soo jeediyey Madaxweynihii hoe inuu bulshada afrika iyo dunidaba u gudbiyo xaqiiqiyaadka uu halkan ku arko iyo qadiyada Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)

Agaasimaha  Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee

Golaha Wakiilada JSL

Wargelin Muhiim ah

0

Waxa lagu wargelinayaa Mudanayaasha Golaha Baarlamaankaa JSL (Wakiilada iyo Guurtida) iyo bulsho weynta reer Somaliland in Fadhigii wadajirka ahaa ee Beri Sabtida 04 May 2019 loo balansanaa uu baaqday sidaa daraadeed waxay iska sii wadanayaan mudanayaashu Fasaxoodii Caadiga ahaa ee ay galeen

Fadhigii Wadajirka ahaa ee Labada Gole ee Baarlamaanka oo baaqday

0

Hargeysa(SL-Parliament) Khamiis 02 May 2019 waxa maanta Baaqday fadhi aan caadi ahayn oo Labada aqal ee baarlamaanku u balan sanaayeen inay ku ansixiyaan Xeer Madaxweyne uu Maalintii shalay Madaxweynaha JSL Xaalad degdega oo amaan ku soo rogay degmooyinka Gar-adag, Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Fadhigan oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane BaasheMaxamed Faarax ayaa markii uu bilaabmay isla markaana la guda galay codayntii waxa dhashay buuq iyo sawaxan mudanayaashu ka sameeyeen ka dibna waxa shirgudoonkii Hagayey Fadhigu waxay ku dhawaaqeen inuu shirku xidhan yahay maalinta Sabtidana laysugu soo noqdo si loo dhamaystiro.

Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka waxa lagu wargelinayaa Fadhi Wadajira oo degdega

0

Hargeysa(SL-Parliament) Iyadoo maalintii shalay iyo maanta ay kala galeen Fasaxoodii Caadiga ahaa labada aqal ee Guurtida iyo wakiilada ayaa waxa xildhibaanada lagu wargelinayaa fadhi aan caadi ahayn oo wadajir labada aqal u wada yeeshaan

Golaha Wakiilada oo ansixiyey Xeer laf dhabar u ah qaranka iyo hanaanka Cadaalada JSL

0

Hargeysa(SL-Parliament) Isniin 29 April 2019 Fadhigii maanta ee golaha wakiilada JSL ayaa qodob qodob loogu ansixiyey XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA JSL oo goluhu maalmahanba ku mashquulsanaa wax ka bedelkiisa iyo kaabistiisa

Halkan Hoose ka Daawo Sidii Fadhigu u dhacay

Xeer Cusub oo Saaka golaha loo qaybiyey iyo Gudoomiyaha oo go’aan ka soo saaray Xeerkii Ismaamulka Gobolada

0
Halkan Hoose ka Daawo Warkaas oo Faahfaahsan iyo Fadhigii Maanta ee Golaha