Home Blog Page 10

Weftigii Baarlamaanka JSL ee maalmahanba ku sugnaa UGANDA oo kulan la yeeshay wasiirka arimaha debeda

0

Arbaca 25 sep 2019  weftigii Baarlamaanka  Jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaaminayay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada Somaliland Mudane Axmed -Yaasiin sh  Cali  Ayaanle ayaa maanta kulan waxay la yeesheen Wasiirka arimaha debeda ee dalka UGANDA Mr hon. Sam Kutesa, .

Wasiirka ayaa weftiga  ku qaabilay  maqaam aad u heersareeya ugana waramay xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Uganda u dhexeeyey iyo sida ay u daanaynayaan inay labada dhinac intaas isaga soo dhawaadaan waxna wada qabsadaan.

Weftiga ayaa iyaguna si qoto dheer waxay uga warameen xaalada guud ahaan Somaliland sida ay wax u qabsatay I, taariikhdeedii hore qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo in la xoojiyo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo in kor loo qaado xidhiidhka labada dal ka dhexeeya.

Waxa kulankan ka qayb galay xaga Somaliland

  1. . MP. Hon. Axmed -Yaasiin sh  Cali  gudoomiyaha  wafdiga
  2. Mp Axmed Cabdi Kijaandha
  3. Mp. Maxamed X. Yusuf Waabeeyo
  4. MP Cabdicasiis ismaciil Ducaale
  5.   Xoghaye Cabdrisak  Saciid  Ayanle
  6. Xamse Ibrahim xaaji Dool (Safiirka Somaliland ee UGANDA)

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)

Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka DadweynahaEe Golaha  Wakiilada

Weftigii Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland ka socday oo Meeqaam sare lagu soo dhaweeyey iyo shirar doceedyo ay galeen

0

#War-Saxaafadeed:- 23 sep 2019

Weftiga Baarlamaanka JSL ka socda ee uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada JSL Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle xubnona ay ka ahaayeen Gudoomiyaha gudida arimaha debeda Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha Guud ee Golaha Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Gudomiye xigeenka gudida arimaha debeda Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, Gudoomiyaha Gudida Khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada JSL Maxamed X Yuusuf Waabeeyo iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Uganda Mudane Xamse Ibrahim X Dool oo qayb libaax ka lahaa isku duwida weftiga ayaa maalintii shalay Axad 22 Sept 2019 gaadhay Caasimada dalka Uganda ee Kampala waxa lagu soo dhaweeyey Maamuus dawladeed waxaana Madaarka ku sugayay Xildhibaanada Baarlamaanka UGANDA oo ay hormood u yihiin gudida arimaha Debeda.

Sidoo kale waxa Madaarka Entebbe Airport Kampala weftiga ka soo qaaday Gawaadhida Protocolka Madaxda dawladaha loogu talo galay, iyadoo hareeraha ay ka gelbinayaan Mootooyin ay ciidamada Amniga iyo Hab maamuusku wataan.

Shirka ururka Baarlamaanada Dalalka Barwaaqo-sooranka ah oo weftigu ka qayb gelayo ayaa waxa uu si hordhac ah u furmay shalay waxaana bilaabmay shirar doceedyo loogu gogol xaadhayo shirka oo si rasmi ah u furmi doona maalinta Khamiista ah ee 26 Sep 2019.

Weftiga Jamhuuriyada somaliland ka socda ayaa waxa ay kulamo iyo shirar gaar gaar ah la qaateen Madaxda Gudiyada Baarlamaanka Uganda, wufuudii ka kala socotay wadamada barwaaqo sooranka qaar ka mid ah sida Weftigii Ingiriiska, Weftigii Australia ka socday iyo qaar kale waxaanay kala hadleen badheedhaha weftiga ee qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo danaha dalalkooda iyo Somaliland u dhexeeya.

somaliland oo si Goobjoognimo ah shirarka ururkan uga qayb gasha ayaa dedaal ugu jirta ku qancinta wadamadaas ee qadiyada Jamhuuriyada Somaliland.

Wufuuda shirka ayaa loo qaybiyey Kaadhadhka ka qayb galka shirweynaha 64aad ee ururka Baarlamaanada dalalka Barwaaqo sooranka oo Khamiista si rasmi ah u furmi doona.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhhka Vulshada
Golaha Wakiilada JSL

Wefti Golaha Wakiilada JSL oo UGANDA kaga qayb gelaya shirka ururka Wadamada Barwaaqo-Sooranka

0

Wefti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada JSL Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle kana socda Golaha Wakiilada JSL ayaa Gaadhay Caasimada Dalka Uganda ee Kampala.

Weftigan ayaa ka qayb gelaya shirka ururka Baarlamaanada Wadamada Barwaaqo Sooranka oo Jamhuuriyada Somaliland Xubin ka tahay, shirkan ayaa sanadkan lagu qabanyaa Dalka UGANDA.

Weftiga Gudoomiye kuxigeenka Golaha waxa ku wehelinayay:-
Gudoomiyaha Gudida Arimaha Debedda Axmed N. Kijandhe
Gudoomiye kuxigenka gudida Arimaha debeda A/Asiis I Ducaale
Gudoomiyaha Gudida deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah Maxamed X Yuusuf Waabeeyo
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo Hambalyo u diray shacabka Somaliland

0

Warsaxaafadeed: 10 August 2019 (9ka dulxija 1440 Hijriya).

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isaga oo ku hadlaaya magaciisa, magaca Shirgudoonka, magaca xildhibaanada golaha Wakiilada iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kasta oo ay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin ku saabsan munaasibada islaamigaa ee weyn, ee Ciidal Adxa u dirayaa hambalyo guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland, oo uu leeyahay Nabad iyo farxad ku ciida Rabbina sanadkaas sanadkiisa ha inagu gaadhsiiyo Caafimaadqab, Nabad gelyo, barwaaqo nololeed iyo qarankeena oo Quweysta.

Guul iyo Gobanimo ku dabaal dega dhamaantiin idamka Eebe.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samotaliye)

Agaasimaha Warbaahinta iyo xidh. dadweynaha
ee Golaha Wakiilada JSL

Golaha wakiilada oo manta Guda galay Dooda Xeerka Macdanta

0

Hargeysa(SL-P) Sabti 03 August 2019  fadhigii 20aad ee kalfadhiga 40aad oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada JSL mudane Baashe Maxamed Faarax ayay mudanayaashu kaga doodeen xeerka Macdanta oo wiigii hore bilowgiisii gole weynaha loo qaybiyey.

Xeerkan oo muhiim qaranka guud ahaan u ah ayaa waxa doodiisa ka qayb galay mudanayaasha Hoos ku qoran.

  1. Maxamed X Xuseen Ciise  
  2. Maxamuud Axmed Obsiiye
  3. Maxamed Cali Xirsi

Halkan Hoose ka Daawo Dooda 3da Mudane

Gudidda Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada ayaa kulan la yeelatay wasiir ku xigeenka Qorshaynta

0

Hargeysa(SL-Parliament) Arbaca 31 July 2019  Gudidda Arrimaha Dibadda, iskaashiga caalamiga ah iyo Qorsaynta Qaranka ee Golaha Wakiilada JSL  ayaa maanta Xarunta Golaha Wakiilada ku qaabiley Wasiir kuxigeenka ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka  Mudane  Eng. Xuseen Ibraahim Buuni.

Gudidda  oo gudanaysa waajibkooda dastuuriga ah ayaa Wasiirka ka dhegeystay warbixin ku saabsan shaqada wasaaradiisu qaranka u hayso isla markaana Suaalo ka waydiiyey Wasaaradda iyo waxqabadkoodii mudadii ay joogtay Xukuumaddan cusubi,Wasiirku waxaa uu uga warbixiyey hawla ay hayaan guud ahaan gaar ahaana Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo wada shaqaynta hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, xidhiidhka haayadaha dawladdaha iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo guud ahaan shaqada ay qaranka wasaaraddu u qaabilsantahay.

Dhamaan xogahaas ayuu wasir kuxigeenku si waafiya gudida ugu faahfaahiyey iyagoo isla gartay in kulamo kale oo wada shaqayneedna ay yeelan doonaan in sha allah.

Kulankan oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Gudida mudane Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa waxa Goob joog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Gudida Mudane Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale iyo xubno kale oo ka tirsan Gudida.

Bahda Warbaahinta ee

Golaha Wakiilada  JSL