Hargeysa (Golaha Wakiilada) 18 March 2019 Fadhigii 6aad ee Golaha Wakiilada JSL Shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baaashe Maxamed Faarax kana soo qayb galeen 43 Xildhibaan ayaa lagaga dooday Xaalada Geeska iyo mandaqada ka soo korodhay .
Fadhigan maanta oo ay ka doodeen mudanayaasha kala ah
- Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)
- Axmed Ducaale Bulaale
- Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
- Xildh Siciid Cartan
- Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
- Xil Xuseen Ismaaciil
- Maxamed X Yuusuf Waabeeyo
- Xil Faarax Maxamuud Cabdulle
- Xil Xaamud Cismaan Cigaal
- Xil Abiibakar Cabdiraxmaan Good
- Xil Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
Dhamaana xildhibaanadani waxay dhinacyo kala duwan ka eegeen marxalada guud ee dalka iyo ta guud ahaan geeska iyo mandaqada ka soo korodhay.
Doodan ayaa maalinta berina ka sii socon doonta halkaas si mudanayaasha isu diiwaan geliyey ay uga wada hadlaan mawduucan oo muhiim golaha iyo guud ahaan qarankaba u ah.
Halkan Doodii Mudanayaasha Ka Daawo
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Waaxda warbaahinta iyo xidhiidhka
Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL