Hargeysa SL-Parliament 29 December 2018
F adhigii 30aad ee kal-fadhiga 38aad ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax Kana soo qayb galeen 60 xildhibaan ayaa cod loogu qaaday odoroska miisaaniyada 2019.
ka dib markii Gudoomiyuhu furay shirka qiraankiina la akhriyeyWaxa gudoomiyuhu u qaaday Cod odoroska miisaaniyada oo ay la socoto lifaaqa Gudida dhaqaalaha
Waxa Ogolaaday: 46 xildhibaan
Waxa Diiday: 12 xildhibaan
Waxa ka Aamusay 1 xildhibaan
Gudoomiyuhuna muu codaynin
Sidaas ayayayna ku ansaxday odoroska Miisaaniyada Qaranka + wax ka bedelkii Gudida dhaqalaha ee golaha wakiilada JSL.
Halkan kala Deg Lifaaqa wax ka bedelka Miisaaniyada lagu sameeyey
waxa kale oo gudoomiyuhu iclaamiyey in uu goluhu galay 2 bilood oo fasax kana bilaabanta 30 December 2018
Bahda warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL
Hatgeysa Somaliland