Shirgudoonka oo Kulan la qaatay Wefti Qaramada Midoobay ka socda

0
114

Hargeysa (SL-Parliament) July 18 2019 Shirgudoonka Golaha wakiilada JSL ayaa kulan maanta la yeeshay wefti  Qaramada Midoobay ka socday oo u kuur gelayay  Xaalada Xuquuqal Iinsaanka dalka

Kulankan laba geesoodka ahaa ayaa waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Ali Ayaanle, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada mudane Cabdirisaaq siciid Ayaanle iyo dhinaca weftiga oo uu Hogaaminayay Bahame Tom M. Nyanduga oo ah Khabiir Madax banaan oo UN ah, Sia Mawalla UNSOM, ALICE  Ngezahayv UNSOM, Marianick koffi OCHA iyo Axmed Cismaan Jaamac  UNSOM. Sidoo kale waxa ku wehelinayay Lataliyaha sharci ee golaha Cabdiraxmaan Hirad Jaamac iyo lataliye Cabdirisaaq Ibrahim Maxamed

Weftigan ayay ujeedadiisu ahayd xuquuqal iinsaanka dalka iyo xeerarka khuseeya ee Golahuhu gacanta ku hayo iyo sidii loo dardar gelin lahaa

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa weftiga u sharaxay  xaalada guud ahaan dalka nidaamka dimuqraadiga ah iyo heerka xuquuqal iinsaanka  Somaliland, waxa uu sidoo kale si gaara uga waramay xeerarka arintan khuseeya ee golaha  yaala kuwa goluhu ansixiyey iyo kuwa aan xukuumadu weli  u soo gudbinin, xeerarkan oo ay ka mid yihiin, Xeerka Saxaafada, xeerka FGM-ka,  Xeerka Kufsiga iyo  Xeerka Booliiska. Gudoomiye Baashe ayaa  si gaara ugu mahad celiyey weftiga booqashadooda dalka.

Weftiga ayaa gudoomiyaha iyo golahaba uga mahadceliyey soo dhawayntooda iyo xogaha faahfaahsan ee ay ka siiyeen waxaanay suaalo ka waydiiyeeen xeerarka qaar  oo gudoomiyaha goluhuna si waafiya ugaga jawaabay.

Weftigan ayaa kulamo la qaadanaya madaxweynaha, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Xeer ilaaliyaha Guud, Xisbiyada  iyo komishanka xuquuqal iinsaanka Somailand.

 Bahda warbaahinta Golaha Wakiilada JSL

Hargeysa Somaliland @

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here