Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo kulan la qaatay weftigii Eriteriyaanka ahaa

0
126

Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay weheliyaan gudi Hoosaadka arimaha Debeda ee Golaha wakiilada ayaa maanta Xarunta Golaha ku qaabiley weftigii Balaadhnaa ee Eraterian-ka ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo beryahanba safar shaqo ku joogay Somaliland.

Kulanka oo saacado dhawra qaatay ayay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa waxaanay shirgudoonka iyo mudanayaashii ku wehelinayay kuylanku uga xaal warameen dalka Somaliland iyo marxalada uu taagan yahay iyo inay ka go’an tahay inay gacmo furan ku qaabilayaan isbedelka geeska iyo sidii labada dal intaas isaga sii dhawaan lahaayeen.
Gudoomiyaha golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa warbaahinta uga waramay wixii kulankaas lagaga wada hadlay iyo inuu ku soo gebogeboobay isafaham Somaliland iyo mandaqadaba muhiim u ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here