Xoghayaha Guud ee Golaha oo Kulan la yeeshay Waaxda Hadal-Qoraalka

0
105

Hargeysa(SL-Parliament) February 4 2019 Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada JSL mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa manta kulan la qaatay Agaasimaha Waaxda Hadal qoraalka iyo Gudiyada mudane Cawad Cali Maxamed iyo Madax qaybeedyada waaxda oo ay ka mid yihiin Madax Qaybeedka Gudiyada Huda Maxamed Axmed iyo  Mahad Cumar Siciid oo ah madaxa qaybta Plenary-ga.

Xoghayaha oo ay ku wehelinayeen kulankan Lataliyaha Mashaariicda ee Golaha Siciid Faarax Xaashi iyo La taliyaha Siyaasadaha (Policy Advisor) mudane Mubaarik Faarax Warsame ayay waaxdu ku soo bandhigtay wax qabakeedii iyo qorshayaasheeda shaqo ee ay doonayaan inay qabtaan sanadkan,  waxaanu ku soo gebageboobay is faham iyo in loo balamay sidii shaqada waaxda loo sii dardar gelin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here