Hargeysa(SL-Parliament) February 5 2019 Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada JSL mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa manta kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxda Miisaaniyada iyo xisaabxidhada Mudane Xamse Maxamuud Xaaji Muuse iyo Agaasimaha Xasuus dhawrka (Archives) Hibo Maxamed Ibrahim iyo Madax qaybeedyada labada waaxood ay leeyihiin
kulankan oo gebo gebo u ahaa kulamadii Maamul ee Xoghayaha Guud la yeelanayay agaasime waaxeedyada Golaha iyo madaxqaybeedyadooda ayay ku soo bandhigeen labadan waaxood wax -qabakoodii iyo qorshayaashooda shaqo ee ay doonayaan inay qabtaan sanadkan, waxaanu ku soo gebageboobay jawi wada shaqayn iyo horu socod oo ay isla qaateen madaxda labadan waaxood iyo Xoghayaha Guud ee Goluhu.