Weftigii Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland ka socday oo Meeqaam sare lagu soo dhaweeyey iyo shirar doceedyo ay galeen

0
94

#War-Saxaafadeed:- 23 sep 2019

Weftiga Baarlamaanka JSL ka socda ee uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada JSL Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle xubnona ay ka ahaayeen Gudoomiyaha gudida arimaha debeda Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha Guud ee Golaha Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Gudomiye xigeenka gudida arimaha debeda Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, Gudoomiyaha Gudida Khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada JSL Maxamed X Yuusuf Waabeeyo iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Uganda Mudane Xamse Ibrahim X Dool oo qayb libaax ka lahaa isku duwida weftiga ayaa maalintii shalay Axad 22 Sept 2019 gaadhay Caasimada dalka Uganda ee Kampala waxa lagu soo dhaweeyey Maamuus dawladeed waxaana Madaarka ku sugayay Xildhibaanada Baarlamaanka UGANDA oo ay hormood u yihiin gudida arimaha Debeda.

Sidoo kale waxa Madaarka Entebbe Airport Kampala weftiga ka soo qaaday Gawaadhida Protocolka Madaxda dawladaha loogu talo galay, iyadoo hareeraha ay ka gelbinayaan Mootooyin ay ciidamada Amniga iyo Hab maamuusku wataan.

Shirka ururka Baarlamaanada Dalalka Barwaaqo-sooranka ah oo weftigu ka qayb gelayo ayaa waxa uu si hordhac ah u furmay shalay waxaana bilaabmay shirar doceedyo loogu gogol xaadhayo shirka oo si rasmi ah u furmi doona maalinta Khamiista ah ee 26 Sep 2019.

Weftiga Jamhuuriyada somaliland ka socda ayaa waxa ay kulamo iyo shirar gaar gaar ah la qaateen Madaxda Gudiyada Baarlamaanka Uganda, wufuudii ka kala socotay wadamada barwaaqo sooranka qaar ka mid ah sida Weftigii Ingiriiska, Weftigii Australia ka socday iyo qaar kale waxaanay kala hadleen badheedhaha weftiga ee qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo danaha dalalkooda iyo Somaliland u dhexeeya.

somaliland oo si Goobjoognimo ah shirarka ururkan uga qayb gasha ayaa dedaal ugu jirta ku qancinta wadamadaas ee qadiyada Jamhuuriyada Somaliland.

Wufuuda shirka ayaa loo qaybiyey Kaadhadhka ka qayb galka shirweynaha 64aad ee ururka Baarlamaanada dalalka Barwaaqo sooranka oo Khamiista si rasmi ah u furmi doona.

Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhhka Vulshada
Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here