Tacsi : Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo Tacsi u diray …..

0
127

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada J. Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isagoo ku hadlaya magaca shir-gudoonka iyo ka Golaha wakiilaadaba waxa uu Dhanbaal Tacsi Ah Udirey Qoyskii, Qaraabadii, asxaabtii Iyo bulshada reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum #Maxamuud Siciid Ayaanle, oo maanta ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Gudoomiyuhu si gaara waxa uu Tacsidan ugu dirayaa Qoyska reer Siciid Ayaanle gaar ahaan Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaq Siciid Ayaanle Oo uu Walalakii ahaa.

Gudoomiyuhu Waxa Uu Ilaahay uga Baryayaa Marxuumka Inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Waxgaradka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Saadiqa Ka Siiyo.

Inalilaahi Waa Ina Ilayhi Raajicuun .

Saleebaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee
Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here