πππ«π ππ²π¬π β 01 December 2025 Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah isugu yeedhay qaybo ka mid ah Hayβaddaha Dawladda, Hayβadaha Caalamiga ah, Ururrada Bulshada, Jaamacadaha iyo Khubaro ku takhasusay Maamulka Maaliyadda iyo Arrimaha Hanti-dhawrka..
πππ«π ππ²π¬π β 01 December 2025 Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan muhiim ah isugu yeedhay qaybo ka mid ah Hayβaddaha Dawladda, Hayβadaha Caalamiga ah, Ururrada Bulshada, Jaamacadaha iyo Khubaro ku takhasusay Maamulka Maaliyadda iyo Arrimaha Hanti-dhawrka.
Kulanka ayaa daaranaa soo bandhigidda Habraacyada kala duwan ee Guddidu ku shaqayso, kuwaas oo hagaya hawlaha dabagalka, hanti-ilaalinta, iyo hubinta isla xisaabtanka hayβadaha qaranka.
Habraacyadan waxaa soo jeediyay Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Mudane Muuse Yuusuf Cismaan (Idigaa), oo hore u ahaa Lataliyaha Golaha Wakiillada, isla markaana qayb muhiim ah ka ahaa diyaarinta iyo dhammaystirka habraacyada la soo bandhigay.
Kulanka maanta ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo ilaalinta hantida qaranka.
πππππ’π₯πππ‘π’ πππππ’ πππππ§
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta, Xidhiidhka Dadweynaha iyo Tignoolajiyada
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland
+252 63 4417996
kaahin@somalilandparliament.net

