Ansixinta Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Warshadaha.
Hargeysa – Arbaca, 04 February 2026
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay Fadhigiisii 19aad ee Kalfadhiga 13aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire).
Intii uu socday fadhigu, Golaha Wakiillada ayaa Ansixiyey Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Tamarta Korontada, taas oo ay soo diyaariyeen Guddida Kheyraadka Dabiiciga ah, Deegaanka iyo Wax-soo-saarka Tamarta.

