DOORASHADA GUDDOOMIYAHA IYO KU-XIGEENKA GUDDIDA DHAQAALAHA, MAALIYADDA IYO GANACSIGA EE GOLAHA WAKIILLADA JSL..
Ka dib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07-04-2026, Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada JSL ay doorteen hoggaankooda cusub.
Guddidu waxay Guddoomiye u doorteen Mudane Axmed Maxamed Hure (Barkhad), halka ay Guddoomiye Ku-xigeen u doorteen Mudane Mubaarik Xuseen Maxamed (Xeel-dheere).
Doorashadan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Xog-haye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Mr. Jamaal Jaamac Jiir, ayaa si habsami leh uga qabsoontay Xafiiska Guddida Dhaqaalaha.
Doorashadan ayaa qayb ka ah dhammaystirka dib-u-habaynta guddiyada Golaha, iyadoo la filayo in guddida Kale ay dooran doonaan hogaano cusub.

