Kulan Furan oo Gudida Dabagalku la yeelatay Masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada

0
106

.

Hargeysa Arbaca 08 July 2020 Guddida Ilaalinta iyo Dabagaka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyada Somaliland ayaa Maanta Kulan xog-waraysi iyo Su’aalo iskugu jira la yeeshay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaarada oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud Axmed Abokor Maxamed Agaasimaha Hantida Yuusuf Xuseen Maxamed Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Ayaan X. Yuusun Cabdilahi Agaasimaha Shaqaalaha Nimco Faarax Cawad.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Golaha Wakiilada gaar ahaan Xafiiska Guddida ayaa waxaa gudoominayay Gudoomiyaha Guddida Mudane Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) iyo Xubno ka tirsan Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Garanka.
kulankan ayaa waxyaabaha lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:-
Guud ahaan ka warbixibta Mashaariicda iyo maamulka xisaabeed ee wasaarada, Qaab xisaabeedka iyo ka talinta sida loola dhaqmayo hantida Jaamacadaha Dawliga ah “Public Universities”, Sida loo maamulayo dhaqaalaha ka yimaada Hay’ahada iyo Dawladaha shisheeye ama Deeq bixiyayaasha iyo Tirakoobka iyo xanaanaynta Hantida ay Wasaaraddu maamusho ama ay gacanta ku hayso.

Sidoo kale kulankan oo warbaahintu Goob-joog ka ahayd ayaa xubnaha Guddidu Su’aalo weydiiyeen Wasiirka iyo Teamka la socday, iyaga oo si daahfuran uga jawaabay dhamaan waydiimihii halkaa laga waydiiyay.
Ugu Danbayntii waxaa hadalka soo afmeeray Gudoomiye Siciid Maxamed Cilmi oo u mahad Celiyay Wasiirka iyo Teamka la socda sidii wanaagsanayd ee ugu faahfaahiyeen dhamaan waxyaabihii ay wadiiyeen.

Bahda warbaahinta ee
Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here