Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Tacsi-yeeyey Xildhibaan C/kariin Xuseen oo Geeriyooday maanta

0
88

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, isagoo ku hadlaya magiciisa iyo ka Xildhibaanada iyo shaqaalaha Golahaa wakiilada JSL, waxa qaranka guud ahaan iyo Golaayaasha Baarlaamaankaba uga Tacsiyeynayaaa Geerida murugada iyo xanuunka badan ee ku timi Xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta oo Jimce ah ku geeriyooday magaalada Hargeysa.


Marxuumka oo ka tirsanaa Golaha Guurtida JSL ayaa ka mid ahaa odayadii dhidibada iyo rukunada u ahaa qaranka qayb libaax na ka soo qaatay dibu dhiskii dawladnimada iyo dibu heshiisiintii qaranka oo ilaa maanta uu kaalin laxaad leh ku lahaa, Xildhibaan Cabdikariin Xuseen ayuu gudoomiyaha goluhu ku tilmaamay Haldoor hayin ah oo dalka guud ahaan nabadayn ku maray isla markaana ilaa iyo bilowgii noloshiisa ka soo shaqaynayay wanaag iyo islaaxa umada.


waxa Gudoomiyuhu Marxuumka Rabbi uga baryayaaa inuu Naxariistii jano ugu deeqo shacabka reer Somaaliland-na samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


Aamiin.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samotaliye)
Agaasimaha Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha
ee Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here