Hargeysa 23 July 2023 Kal-fadhigii 6aad fadhigiisii 1aad ee Golaha Wakiilada oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha golaha 82 xildhibaan ayaa waxa tartan hufai dhex maray Labada musharax ee kala ah

- Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
- Maxamed Khadar Daahir Mooge
fadhiga oo uu gudoominayay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada ayaa cod gacan taagis ah u qaaday labadan musharax waxaanay kala heleen codadkii:-
- Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) 46 Cod
- Maxamed Khadar Daahir Mooge 35 Cod gudoomiyuhuna muu codaynin
waxaana si rasmiya ugu guuleystay Gudoomiyaha Golaha Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir
