Gar-adag SL-P Axad 06 December 2020 Gudida Dabagalka iyo ilaalinta Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay kormeer ku tageen wadada isku xidha Burco-Ceerigaabo ee #SIILAANYO ROAD wadadan oo hadda maraysa wajigii gebogabada.
U jeedada safarkan oo daba socday, dabagalka xisaab xidhadii 2018-2019, isla markaana u kuurgalaya mashaariicda laga fuliyey miisaaniyadihii kala dambeeyey ee Qaranka.
Sida Wasiirka iyo Hawl-wadeenada wadadu u sheegeen Guddida, waxay wadadu maraysaa wajigii ugu dambeeyey ee dhamaystirka, iyada oo Xadhiga laga jaray inta u dhaxaysa Ceel-afweyn iyo Gar-adag. Waxa imika dhamaystiran 148KM oo ka soo bilaabantay Magaalada Ceerigaabo, Ceel-afweyn ilaa gar-adag.
Waxa kale oo wadada samaynteedu ka socotaa dhanka Magaalada War-idaad, una socota dhanka degmada Gar-adag.
Waxa kale oo Guddidu indho-indhayn ku samaysay qalabka farabadan ee wadada ceerigaabo lagu dhisayo, iyada oo sida uu Wasiirku sheegay wadada ceerigaabo la dhamayn doono bilawga 2021.
Gudida ayaa marka kormeerkoodani u soo dhamaado waxay Gole weynaha la wadaagi doonaan waxa ay ku soo arkeen wadada iyo halka ay marayso.









