hargeysa SL-P Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL oo ku gudo jirta shaqada diyaarinta Odoroska Miisaniyadda Qaranka ee 2024-ka ayaa saaka kulamo la yeeshay hay’addaha kala ah;
1. Hanti-dhawraha Guud
2. Baanka Dhexe
3. Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
4. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Masuuliyiinta Hay’addahan oo Guddidu ka xog waraysanaysay Miisaniyadda 2024-ka waxa ay Masuuliyiintu uga xog warameen wixii xogo ah ee ay Guddidu u baahnaayeen.







