Fadhigii Maanta 27 Sep 2020 ee Golaha Wakiilada JSL oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Mudane Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa qodob qodob ugu codeeyey Xeerka Doorashooyinka qaranka.
Xeerka ayaa qodobo dhawr ah wax lagaga bedelay oo ay ka mid yihiin.
- Soo jeedintii madaxweynaha ee Kootada dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay oo laga saaray
- Da’da musharixiinta golayaasha deegaanka oo hore u ahaa 25 jir imikana laga dhigay 30 jir.
- In da’da dadka codaynayaa ay ugu yaraato 15 sano jir.
- Waxa wax laga bedelay lacagihii iyo hantida musharixiinta golayaasha dadka isu sharaxaya.
- Waxa la laalay in habkii is xambaarka ee deegaano ka mida gobolada bariga lagaga soo bixi jiray oo la joojiyey meeshana laga saaray.
- Waxa mar kale loo codeeyey oo lagu ansixiyey in saamiga kuraasida goboladu ahaadaan sidoodii hore
Sidoo kale waxa wax laga bedelay qodobo badan oo xeerka ku jira kuwaas oo goluhu u arkay inay wanaajinayaan qabsoomida doorasho waqtigeedii ku qabsoonta.
Gudoomiye Axmed-Yaasiin ayaa markii codayntu dhamaatay xeerkana la ansixiyey waxa uu ku dhawaaqay in goluhu galay fasixiisii caadiga ahaa oo noqon doona 45 maalmood