Gudidda Dabagalka Hantida Qaranka oo Kulan la yeeshay Wasiirka Maaliyada iyo Xisaabiyaha Guud

0
115

Hargeysa (SomalilandParliament) 4/2/2019 Waxa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu kulan la yeesheen Wasiirka Wasaarada harumarinta Dr. Sacad Cali Shire, kulankan oo u jeedadiisu ahayd sidii la isaga xog-waraysan lahaa Xisaab xidhka 2017, isla markaana is wada jir ah la isula eego sixitaanka nidaaamka maaliyadeed ee Qaranka, taasi oo qaranka  u horseedi karta si buuxda la isula xisaabtamo, isla markaana masuul kasta lagula xisaabtamo masuuliyada uu u hayo Qaranka Jamhuuriyada, isaga oo Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliuyada Mudane Sacad Cali Shire Balan qaaday inuu mar kasta sixi dooono nidaamka maaliYadeed ee Qaranka isaga oo ka duulaya sharciga Qaranka u yaala, isla markaana balan qaaday in wixii qaladaad ah ee soo jireenka ahaa sixi doono.

Guddidu waxay su’aalo badan oo dhinacyo badan taabanayaa weydiiyeen Wasiirka, taas oo wasiirkuan ka jawaabay dhammaan su’aalahaas balana qaaday in uu la shaqayn doono Guddida.

Gebogebadiina Waxa Gudoomiyaha Guddida Ibraahim Mahdi Buubaa u mahadceliyey wasiirka Horumarinta sida wanaagsan ee u muujiyey isla qaadashada qodabadii la iska xog-waraystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here