Golaha wakiilada ayaa Maanta ansixiyey Labadii xubnood ee Komishanka ka dhinaa

0
115

Fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada Jsl, ee Maanta 28 June 2020 ka qabsoomay xarunta aqalka wakiilada Somaliland ayaa waxaa lagu ansixiyay labadii Xubnood ee Xibsiyada Mucaaradku usoo xuleen inay kamid noqdaan komishanka Qaranka .
Codayntiina waxa ay u dhacday sidan soo socota:
C/fataax Ibrahim Xasan waxaa u codeeyay oo ogolaaday 49 Mudane waxaa ka aamusay 3 mudane cid diidayna ma jirto. Guddoomiyuhuna ma codayn.
Maxamuud Siciid Dalmar waxa u codeeyay oo ogolaaday 51 Mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane cid diidayna ma jirto. Guddoomiyuhuna ma codayn.
Tirada Guud ee Xildhibaanada ee Golaha Fadhiyay waxa ay ahaayeen 53 Mudane.
Waxaana Sidaas ku ansaxay labadi xubnood ee ka dhinaa komishanka Qaranka JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here