Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL ayaa Kulan Galabta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Germany u fadhiya Nairobi

0
77

Hargeysa(SL-Parliament) 08 April 2019 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador Annett Günther oo uu weheliyo Safiir ku xigeenkeeda, Mr. Markus Bollmohr.

Ambassador Gunther waxay ka wada hadleen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe arrinta doorashooyinka, waxay si qoto dheer u lafagureen sidii ay dooraashada u qabsoomi lahayd wakhtii loo asteeyey iyo sidii ka baarlamaan ahaan dhankooda ay dedaalo dheerada ka sameeyaan wixii kaga beegan gaar ahaan samaynta shuruucda qabyada ah ee la xidhiidha doorashooyiska.

Waxay kale oo ka wadaa hadleen sidii qaran ahaan ay hawlaha loo bahaanyahay iska dhameeyeen intaan doorashada wakhtigeeda la gaadhin.

Gudoomiye Baashe waxaa uu si mug iyo miisaan leh ugu wargaliyey inaanay iyaga kursi jaceyl hayn xildhibaanaduna diyaar u yihiin xili kasta oo ay doorasha qabsoonto inay baneeyaan kuraasta fursadna siiyaan dhalinta siyaasiyiinta da’da yar ee raba Inay noqdaan xildhibaana, balse waxaa uu gudoomiye baashe sheegey inay jiraan caqabado ku gedaaman doorashada oo ay ka mid tahay arinta saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka taasi oo ah caqabad u baahan in si wada jira oo qaran loo xaliyo,  arinta kale ee u baahan in la xaliyana waa arinta komishanka ee xisbiga Dawlada iyo xisbiga mucaaradka ee waddani aanay wali ka heshiin, taasi oo ah arrin iyadu u baahan in laga gaadho xal degdega,  Gudoomiye Baashe wuxuu sheegey in ka baarlamaan ahaan ay diyaar ka yihiin xeerarka la xidhiidha doorashada balse ay u taagenyihiin saamiga kuraasta oo aan wali la xalin.

Kulankani wuxuu ku dhamaadey jawi waanagsan, baashena wuxu ku wargaliyey inay arrimaha yaala ee  doorashada isha allaah qaran ahaan iyagu dhamaysan doonaan sidii awalba loo dhamaynjirey muranada siyaasida ah, rajaweyna uu ka qabo inay doorashadu xiligeeda ku dhacdo.

Gudoomiye Baashe ayaa si gaar ah Safiirada uga mahad celiyey mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan wadankooda Jarmalku isla markaana ku dhiiri geliyey sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen.

Bahda Warbaahinta iyo xidhiidhka Bulshada ee

Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here