Hargeysa(SL-Parliament) Isniin 09 December 2019 Fadhigii 29aad ee Kalfadhiga 41aad ee golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo uu weheliyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee golaha md. Axmed-Yaasiin sh. Cali Ayaanle ayaa cod loogu qaaday Xeerka maamulka Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo golaha Guurtidu dhawaan wax ka bedel ku soo sameeyey.
Gudoomiyaha ayaa qodob qodob cod ugu qaaday qodobadii xildhibaanada guurtidu soo jeediyeen in wax laga bedelo.
Fadhiga oo ay ka soo xaadireen 51 mudane ayaa markii qodob walba si gaara loogu codeeyey waxa ugu danbayntii lagu ansixiyey sidan
Ogolaaday sidii Goluhu hore ugu ansixiyeen: 44 xildhibaan
Diiday sidii hore goluhu ugu ansixiyey: 3 xildhibaan
Ka aamusay. 3 xildhibaan
Gudoomiyuhuna muu codaynin
Sidaas ayaanu xeerku ugu ansaxay sidii markii hore goluhu ku meel mariyey kuna diideen soo jeedintii wax ka bedelka guurtidu ku soo samaysay.