Wefti ka socda midowga Yurub (EU) oo kulan la yeeshay gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo gudi qoondada Haweenka loo saaray.

0
201

Hargeysa (SL-Parliament) Axad 20 October 2019  Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL  Mudane Baasha Maxamed Faarax ayaa Kulan midho dhal ah waxa uu la qaatay Safiirka Komishanka Yurub (EU) u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambasador Nicolas Berlanga Martinez oo uu wehelinayay Ambasador Staffan Tillander.

Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen Arimaha u diyaar garowga doorashooyinka Aqalka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee fooda inagu soo haya iyo sidii looga wada shaqayn lahaa fududaynta waxyaabaha ku xeeran iyo caqabadaha ilaa hadda Taagan.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arimaha geeska iyo gobolka ka jira iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka socdana qayb looga noqon lahaa.

Weftigan ayaa sidoo kale xarunta golaha kulan kale kula yeeshay gudida Aragti  wadaagta kootada Haweenka iyo beelaha laga tirade badan yahay oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxaanay isku afgarteen sii xoojinta iyo hirgelinta qadiyada Haweenka in loo fududeeyo inay kuraasida baarlamaanka yimaadaan taasna lagu gaadhi karo qoondayn kuraasi loo xidho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here