Gudidda Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada ayaa kulan la yeelatay wasiir ku xigeenka Qorshaynta

0
93

Hargeysa(SL-Parliament) Arbaca 31 July 2019  Gudidda Arrimaha Dibadda, iskaashiga caalamiga ah iyo Qorsaynta Qaranka ee Golaha Wakiilada JSL  ayaa maanta Xarunta Golaha Wakiilada ku qaabiley Wasiir kuxigeenka ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka  Mudane  Eng. Xuseen Ibraahim Buuni.

Gudidda  oo gudanaysa waajibkooda dastuuriga ah ayaa Wasiirka ka dhegeystay warbixin ku saabsan shaqada wasaaradiisu qaranka u hayso isla markaana Suaalo ka waydiiyey Wasaaradda iyo waxqabadkoodii mudadii ay joogtay Xukuumaddan cusubi,Wasiirku waxaa uu uga warbixiyey hawla ay hayaan guud ahaan gaar ahaana Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo wada shaqaynta hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, xidhiidhka haayadaha dawladdaha iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo guud ahaan shaqada ay qaranka wasaaraddu u qaabilsantahay.

Dhamaan xogahaas ayuu wasir kuxigeenku si waafiya gudida ugu faahfaahiyey iyagoo isla gartay in kulamo kale oo wada shaqayneedna ay yeelan doonaan in sha allah.

Kulankan oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Gudida mudane Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ayaa waxa Goob joog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Gudida Mudane Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale iyo xubno kale oo ka tirsan Gudida.

Bahda Warbaahinta ee

Golaha Wakiilada  JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here