Guddida Dabagalka Hantida Qaranka oo Gobolka Togdheer kormeer ku joogta

0
111

Burco(SL-Parliament) 7/5/2019 ayaa kormeer shaqo ku gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer9ee Burco Halkaas oo gudidu ay soo eegayaan Mashaariicdii Miisaaniyada ka baxay ee ku jiray xisaab xidhka 2017 iyadda oo Guddidu xooga saartay dhismaayaasha iyo Gaadiid laga saaray Misaaniyaddii 2017 ee ku qoran Xisaab xidhka 2017.

Waxaanay ilaa hadda guddidu kormeer shaqo ku soo martay dhismayaal kala duwan, kuwaas oo lagu sheegay warbixinta xisaab xidhka in laga dhisay Gobolada dalka, gaar ahaan iyada oo Guddidu Komeer ku soo martay Goobo kala duwan, sida Jeelka weyn ee Burco oo dhammaaday, Xaraunta Wasaarada hawlaha Guud, Guryeynta iyo dhulka, iyo Guriga Madaxtooyada Burco. Kuwaas oo dhammaantood ku yaala Magaalada Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Waxa kale oo Guddidu maalintii labadaad safar shaqo ugu baxday Magaalada oodweyne si ay u soo aragto dhismaha Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqogelina oo isna laga hirgeliyey magaalada oo oodweyne, iyada oo sidoo kale ku xusan warbixinta Xisaab xidhka 2017 ee ka timid Miisaaniyadii 2017.

Guddidu waxay rajaynaysaa in dhammaan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey Gobolada dalka ka la wadaagi doonto, ka dib marka la furro kalfadhiga soo socda ee 40aad haddii Alle idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here