Shir-gudoonka Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa kulan la yeeshay Madaxweynihii Hore ee Dalka NIGERIA

0
90

Hargeysa (SL-Parliament) Axad 05 May 2019 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax , Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali iyo Gudoomiye kuxigeenka 1aad mudane Axmed-Yaasiin Sh Ali Ayaanle  ayaa maanta kulan Xarunta Golaha Wakiilada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka NIGERIA  Olusegun Obasanjo dalka Booqasho laba maalmood ah ku yimi.

Olusegun Obasanjo oo 8 sanadood madaxweyne ka ahaa dalka Nigeria isla markaana 4 sano hogaan u ahaa Ururka Midowga qaramada Afrika imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga  ayaa shirgudoonka u sheegay inuu dalka u yimi  inuu xog ogaal u noqdo xaalada Somaliland isla markaana uu indho indheynayo xaqiiqada taala dalka si uu gacan uga geysto Halganka Somaliland ugu jirto Himaladooda.  

Gudoomiyaha Golaha wakiilada ayaa weftiga u sharaxay dalka Somaliland iyo taariikhdeeda soo jireenka ah waxa uu tilmaamay Gudoomiye Baashe in Somaliland oo 26 Juun  1960kii xornimadeeda ka qaadatay dalka ingiriisku ay la midowday Somaalidii Koonfurta oo talyaani gumaysan jiray isla markaana ay midoobeen 1dii July 1960kii, waxa uu ka waramay wixii ay midowgii kala kulmeen isla markaana ay 18 may 1991kii ay xoriyadoodii dib ugala soo noqdeen soomalidii konfureed ee ay 1960kii la midoobeen.

Waxa uu gudoomiye baashe u sharaxay sida aanay Somaliland u ahayn dal cusub oo hadda  la samaynayo ama xuduud cusub qaarada afrika ku soo kordhinaya ee ay waafaqsan tahay mabaadiida Qaramada afrika saldhiga u ah ee salka ay u tahay xuduudihii gumaystuhu qaarada u dejiyey 1884kii.

Warbixin dheer oo gudoomiyuhu xaalada Somaliland ugu sharaxayay ayuu sheegay in ay Somaliland ka badbaaday  faragelin dibadeed oo ay kaga soo  gudbeen Talada  odayada dhaqanka, wadatashi iyo isu tanaasul siyaasadeed taas oo umada reer Somaliland u horseeday inay ku guulaysataan dhisida dalkooda iyo inay ka hirgeliyaan dimuqraadiyad buuxda ooh al cod iyo hal qof ah.

Gudoomiyuhu wuxuu aakhirkii u soo jeediyey Madaxweynihii hoe inuu bulshada afrika iyo dunidaba u gudbiyo xaqiiqiyaadka uu halkan ku arko iyo qadiyada Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)

Agaasimaha  Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee

Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here