Golaha Wakiilada JSL oo Maalintii 4aad ka doodaya Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

0
119

Golaha Wakiilada JSL  oo Maalintii 4aad  ka doodaya Xeerka  Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

Hargeysa(SL-Parliament)  Axad  21 April 2019 Fadhigii 22aad ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha  Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa lagaga  Dooday  Wax-ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Is-maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr.23/2002 Maalintii 4aad.

Mudanayaasha Dooday:

  1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)

Dulucda Dooddiisa : gudidu waxay wax ka bedeshay 47 qodob waxaanan odhan karaabuu yidhi waa dhalan-rog xeer, gudidu gobolka maroodi jeex waxay u soo samaysay 2 degmo oo A ah taas oo ka soo horjeeda buu yidhi qodobka 9aad ee xeerkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan  Xoog waxa uu si adag uga soo horjeestay in Hargeysa loogu yeedhi waayo Caasimada, maadaama aan ahay xildhibaaan laaga soo doorto Caasimada, sidoo kalena waxa uu soo jeediyey in Caasimada 2aad ee BURCO Lagu cadeeyo xeerkan.

Waxa uu sheegay in erey bixinta  xildhibaan iyo xubin gole deegaan (Councilor) la isla saxo oo wax saxa la qaato maadama aan xubin gole deegaan ay dheertahay macquula aanay ahayn in loogu yeedho.

Waxa uu soo jeediyey haddii qiimaynta iyo kala xadaynta xukuumadu ku soo dhamayn waydo 2dda sano ee ay soo jeediyeen maadaama ay mar walba soo noqoto aynu ku darno waxay ahaanayaan sidaa ay ku soo gudbiyeen oo ansax ku noqonayaan.

Qodobka 22aaad  ee kuraasta degmooyinka Hargeysa A+ Halaga daayo buu soo jeediyey oo halkaas Caasimada halagu bedelo

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa sheegay in aan Caasimada 2aad ee dalka ee BURCO aan lagala mid dhigi Karin degmada Gabiley oo aanay isku kuraas noqonin.

Dhawrsoonaanta xildhibaanada Golaha Deegaanka waxaan aaminsanahay buu yidhi in xasaanada  loo wada daayo oo aan qaarna xasaanad la siinin qaarna laga qaadin.

Waxa uu xildhibaanku ku talinayaa Qod 29aad in laga saaro farqada (C), Sidoo kale muddo xileedka golayaasha deegaanka ayuu gudida ku waafaqay inay xilka sii hayaan inta gole kale laga soo dooranay, waxaanu soo jeediyey in muddo kordhintooda loo soo gudbiyo Golaha wakiilada oo ay Goaan ka gaadhaan.

Waxa uu soo jeediyey in cashuuraha kastamada dalka ee laga qaado dadka reer Somaliland bari ilaa Galbeed waxa waajib ah in si siman loogu qaybiyo, waxaanu soo jeediyey in somalilaand la wada leeyahay laga shaqeeyo oo aan meesha la keenin tii lagu kla caabanaayay.

  • Xuseen Ismaaciil Yuusuf

Dulucda Dooddiisa:  waxa uu soo jeediyey inaan lagu degdegin xerrkan meel marintiisa, waxa uu soo jeediyey inaan tirade kuraasta degmooyinka aan waxba laga bedelin sidoodii hore, sidoo kale waxa uu ka soo horjeestay in xasaaanaada lagaa qaado xildhibaanada golayaasha deegaanka.

Muddo xileedka ayuu soo jeediyey in xukuumada loo daayo oo ay chairman u magacawdo awood leh golayaashuna iska joogaan iyagoon awood fulineed lahayn.

Xildhibaan Xuseen waxa uu ka biyo diiday sababta Oodweyne iyo Gabiley oo isku dad, xoolo iyo beeroba ahi isku waqtina loo magacaabay derejada B ay midina A ku noqotay midina B u noqotay wuxuun baan u malaynayaa inuu yahay dheri ninkii u dhaw baa lafta kaala baxa.

Degmada waa in lagu qiimeeya waxa ay resource hayso

  • Xildhibaan Maxamed  Maxud  Cumar Xaashi

  Dulucda doodiisa: waxa xildhibaankuuu ku dheeraaday nidaamka iyohabka xeerku u yaalo oo uu sheegay in lagu noqdo lana hagaajiyo, waxa uu soo  jeediyey in tirade kuraasta Caasimada laga dhigo 17 Degmooyinkaa kale ee A da ahna 13,  sidoo kale B 9,  Degmooyinka C 7, Degmooyinka derejada D 5

  Xil ka qaadista duqa iyo kuxigeenkiisa waxa uu soo jeediyey in hal dheeri xilka lagaga qaado, waxa uu soo jeediyey in kabka lagu siiyo si isku mid ah intii isku derejo ahba.

  • Xildhibaan Saleebaan Diiriye Bare

Dulucda Dooddiisa: waxa uu ku dheeraaday inaanay mudanayaashu markhaati ka noqonin sed bursi iyo kala saraysiin bulsheed oo hortooda ka dhacaya.

Somaliland waxa ay leedahay 6 gobol waxaana lagu soo daray xeerkan gobol kale sidoo kale waxa uu soo jeediyey in 6 degmo oo A ah ay jiraan iyo 7 B ah oo kala ah (saylac, Gabiley, oodweyne, Ceel-afweyn, Badhan, buuhoodle, sheikh ).

Golayaasha deegaanka waxaan qabaa inay yihiin xildhibaano waana inay xasaanad yeeshaan maadama shacabku doorteen

 Waxaan aaminsanahay in xubnaha golayaasha deegaanka la yareeyo.

Waxa uu sidoo kale xildhibaanku sheegay in Hargeysa Caasimad loo soo qoro oo aan degmo keliya lagu dhaafin

Kabka ayuu xildhibaanku soo jeediyey in degmooyinka sidan loogu qaybiyo

A B C D wasaarada
4 1.7 1.5 0.6 2.5
  • Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

Dulucda Dooddiisa : waxaan magaca xeerka u bixin lahaa Xeerkaa Hab mamulka Gobolada iyo degmooyinka, xildhibaan Saleebaan Bukhaari   Waxa uu soo jeediyey in Caasimada loo daayo caasimada oo keliya aan la odhan waa A+.

Waxa uu taageeray soona dhaweeyey sidaa gudidu ka soo dhigtay.

Waxaan la qabaa xildhiaanadii hore inaanay suuragal ahayn in xasaanada laga qaado xildhibaanda  waxaanaynu ku kala duwanahay iyagu dhinacna waa Baarlamaan dhinacna waa fulin iyo xukuumad oo dakhli bay soo ururiyaan kharash bay galaan oo dhinacba cid bay ka metelaan.

Haddii musuq maasuq lagu eedeeyo oo keliya  madaxweynaha ayaa xasaanada mayorka ka qaadaya oo xagaas ha kala mid noqdaan golaha wasiirada  oo kale.

Xildhibaan Bukhaari waxa uu sheegay in dhamaan awoodihii gudoomiyaha gobolka loo wareejiyey Gudoomiyaha degmada.

Xildhibaanka oo ka hadlaya adeegyaada aas aasiga ah ayaa sheegay in wakaaladihii biyaha in qaarkood ay gacanta ku hayaan Maareeye madaxweyne magacaabay qaarna maareeye uu wasiirka biyuhu magacaabay  qaarna mayoradu ay maamulaan waxaan soo jeedin lahaa in wasaarada Biyuhu masuul ka noqoto biyaha degmooyinka iyo gobolada.

Waxa uu soo jeediyey in xil ka qaadista duqa iyo  kuxigeenka xilkaa lagaga qaado Kala badh iyo Hal tirada golaha,waxa uu xoojiyey in 6da magaalo madax ee gobolada waaweyn isku derejo halaga dhigo, 8da gobol  ee cusub magaalo madayadooda waa inay isku derejo ahaadaan. Kabkana waa inay in is leeg qaataan.

Waxa uu soo jeediyey in degmada Caynaba oo ah degmo soo jireen ah oo weyn oo degmo doorasho ah waa qalad weyn inay C ahaato, degmooyin la midana looga sed buriyo kuwii ay la derejada ahaayeen

__________________

Bahda Warbaahinta ee

Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here