Gudida joogtada ah oo kulan maanta la qaatay wasiirka wasaarada Macdanta iyo Tamarta

0
119

Hargeysa(SL-Parliament) February 5 2019 Waxay maanta Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu Xafiiskeeda kulan kula qaadatay  Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud  oo ay ka xaal waraysteen shaqada ay wasaaradiisu qaranka u hayso.

.wasiirku wuxuu si faahfaahsan ugaga xaal waramay  shaqooyinka ay qaranka  masuulka  uga tahay oo ay ugu muhiimsan yihiin

  1. Tamarta
  2. Baadhitaanka shidaalka
  3. Macdanta

intaa ka dibna waxay Xildhibaanada Guddida Joogtadu weydiiyeen su’aalo kooban Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Ka dibna waxa kulanka soo xidhay Gudoomiye ku-xigeen Guddida Joogtada ah Md:- Axmed Ducaale Bulaale oo u mahadceliyey Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Jsl siday u soo ajiibeen yeedhmadii loo yeedhay ee ay guddida joogtadu ay u yeedhay iyo warbixintii guud ee ay siiyeen guddida joogtada

waxaanay muhiimadii shirka xog kooban ka siiyeen warbaahinta markii kulanku soo  gebageboobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here