Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada iyo Agaasima Xasuus dhawrka

0
108

Hargeysa(SL-Parliament) February 5 2019 Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada JSL mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa manta kulan la qaatay Agaasimayaasha  Waaxda Miisaaniyada iyo xisaabxidhada Mudane Xamse Maxamuud Xaaji Muuse  iyo Agaasimaha Xasuus dhawrka (Archives) Hibo Maxamed Ibrahim iyo Madax qaybeedyada labada waaxood ay leeyihiin

kulankan oo gebo gebo u ahaa kulamadii Maamul ee Xoghayaha Guud la yeelanayay agaasime waaxeedyada Golaha iyo madaxqaybeedyadooda  ayay  ku soo bandhigeen labadan waaxood  wax -qabakoodii iyo qorshayaashooda shaqo ee ay doonayaan inay qabtaan sanadkan, waxaanu ku soo gebageboobay jawi wada shaqayn iyo horu socod oo ay isla qaateen madaxda labadan waaxood iyo Xoghayaha Guud ee Goluhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here