0
156

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Baashe Mohamed faarax, oo Maalmahanba safar shaqo ku joogay dalka aynu Jaarka nahay ee DJIBOUTI ayaa maanta  kulan la yeeshay Dhigiisa Dalkaas. Iyo Masuuliyiin kale.

Gudoomiye Baashe oo uu weheliyo xoghayaha saddexaad ee Safaarada somaliland ee Djibouti, mudane Khadar Bedel Saed ayaa kulan muddo qaatay waxa uu  la yeeshay  Gudoomiyaha barlamaanka Djibouti Mudane Mohamed Ali houmed, oo ay weheliyan Gudoomiyaha gudi hoosaadka arrimaha dibadda ee barlamaanka Djibouti xildhibaan Abdirahmaan Awaleh Yasiin iyo Xubin ka mida gudi hoosaadka dhaqaalaha ee barlamaanka Djibouti xiliban Jibril.

Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen Danaha labada dal iyo sidii ay isugu xidhmi lahaayeen labada Baarlamaan ee labada dal ee Somaliland iyo Djibouti lana xoojiyo xidhiidhkooda wallaalnimo iyo wax wada qabsi, isla markaana ay is waydaarsadaan Khibradaha iyo habmaamulka labada Baarlamaan taas oo ay labada Gudoomiye Baarlamaan isku afgarteen iskulana qaateen in hore loo sii wada wada shaqayntooda.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here