Kal-Fadhigii 35aad eeGolaha Wakiilada JSL oo maanta si caadiya u furmay.

Hargeysa(SL-Parliament) Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 November 2017 si caadi ah u furmay Kalfadhigii 35aad ee Golaha Wakiilada JSL.
Fadhigan maanta oo ahaa fadhigii 1aad ee kalfadhiga 35aad ayaa waxa Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax waxaana Mudanayaasha loogu qaybiyey Ajandaha Kalfadhiga 35aad.
Sidoo kale waxa Gudoomiyaha Goluhu ku war geliyey Mudanayaasha in saddex Xildhibaan oo cusubi ay Golaha ku soo biireen kuwaas oo kala ah
1. Maxamed Jaamac Cabdi (Gaaxnuug)
2. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
3. Xasan Xuseen Shide

Gudoomiye Baashe ayaa shirka ku soo xidhay Iclaam uu u jeediyey 10ka Gudoomiye ee guddiyada golaha Wakiilada JSL kuwaas oo uu ku wargeliyey inay Shirgudoonka iyo gudoomiyayaasha gudiyadu shir beri subaxa wada geli doonaan Axada 26 November 2017 9:00 Subaxnimo.

fadhi 2 fadhi 3 fadhi 6fadhi1 fadhi 2 fadhi 4

 

Bahda Warbaahinta ee Golaha Wakiilada
Hargeysa Somaliland
info@somalilandparliament.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*