Gudida Joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland oo kulan xog-waraysi ah la yeelatay Komishanka Doorashooyinka qaranka

Hargeysa 13 Feb 2018 Kulanka ay maanta kula yeelatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu Xafiiskeeda Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl oo uu gudoominayey  Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah Md:- Cali Obsiiye Diiriye(Cali Gabiley) wuxuuna Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl uga waramay yeedhmada ay guddida u yeedhay oo ah arin dastuuriya waana xog-waraysi guud oo ah xogogaal u noqoshada hawlaha ay qaranka u hayaan, iyadoo ka wakiila guddida joogtadu golihii, runtii waxyaalaha aan idinka waraysanaynaa ay yihiin warbixinta guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl iyo hawlaha shaqo in aad naga siiso warbixin guud oo tafaftiran iyo qorshe hawleedka iyo halka ay marayso iyo siday hawluhu u socdaan guud ahaan. Wixii su’aala ah ee xildhibaanadu ay hayaana wey idin weydiin doonaan warbixinta marka aad dhameyso.
Intaa ka dibna waxa uu Gudoomiyuhu ku wareejiyey hadalka oo qaatey Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl oo bilaabey si uu guddida u siiyo warbixinta guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl.
Aad iyo aad baan u mahadsan tihiin, marka hore waan idinka mahad celinaynaa marti qaadka aad noo yeedheen, ugu horeyn waxay guddidu ka dhagaysatay warbixin kooban oo ku saabsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka guud ahaan iyo hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan waxaanu gudoomiyuhu halkaa ka jeediyey warbixin guud oo dhinacyo badan taabanaysa.
Intaa ka dibna waxay Xildhibaanada Guddida Joogtadu weydiiyeen su’aalo kooban Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl oo ay dhamaanba ka wada jawaabeen su’aalahaas.
Ka dibna waxa kulanka soo xidhay Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah Md: – Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley) oo u mahadceliyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl siday u soo ajiibeen yeedhmadii loo yeedhay ee ay guddida joogtadu ay u yeedhay iyo warbixintii guud ee ay siiyeen guddida.
Xubnaha Guddida Joogtada Ah Ee Joogay Kulankan: –
Xild. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)
Xild. Axmed Ducaale Bulaale
Xild. Cali Sh.Ibraahim Aareeye
Xild. C/Raxmaan Muuse Jamac
Xild. Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*