Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo kulan la qaatay Gudoomiyqhq Baanka JSL

  • Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Oo Maanta (Sabti) 10/02/2018 oo Xafiiskeeda War-Bixin Ka Dhegeysatey Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee J.Somalilandreceived_952895014874410 received_952895458207699 iyo Xaalada Guud Iyo Xogogaal U Noqoshada Hawlaha Qaranka Ay U Hayaan Baan Ahaan

Kulanka ay maanta kula yeelatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu Xafiiskeeda Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, waxaana ugu horayn kulanka furay Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah Md: Md:- Cali Obsiiye Diiriye(Cali Gabiley) wuxuuna Gudoomiyaha Baanka Dhexe uga waramay yeedhmada ay guddida u yeedhay oo ah arin dastuuriya waana xog-waraysi guud, iyadoo ka wakiila guddida joogtadu markuu xidhan yahay goluhu, runtii waxyaalaha aan idinka waraysanaynaa ay yihiin warbixinta guud ee baanka dhexe Jsl in aad naga siiso warbixin guud oo tafaftiran, waxqabadka baanka dhexe iyo siday hawluhu u socdaan guud ahaan.

Intaa ka dibna waxay guddidu warbixin ka dhagaysteen Gudoomiyaha Baanka Dhexe s/land waxaanu gudoomiyuhu halkaa ka jeediyey warbixin guud oo dhinacyo badan taabanaysa.

Waxaanu gudoomiyuhu ka waramay arimaha ay ka mid ahaayeen:-

Arimaha xeerarka baanka ee fulay iyo kuwa uu u baahan yahay in loo sameeyo

Waxqabadka Baanka Dhexe ee Jsl

Horumarinta Shilling Somaliland

5 years strategic plan central bank uu leeyahay

Iyo Guud ahaan Xaalada Baanka Dhexe ee Jsl

 

Intaa ka dibna waxay Xildhibaanada Guddida Joogtadu weydiiyeen su’aalo kooban gudoomiyaha baanka dhexe oo uu dhamaanba ka jawaabey.

Ka dibna waxa kulanka soo xidhay gudoomiyaha guddida joogtada Xild. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley) oo u mahadceliyey gudoomiyaha baanka dhexe siday u soo ajiibeen yeedhmadii loo yeedhay ee ay guddida joogtadu ay u yeedhay.

Xubnaha Guddida Joogtada Ah Ee Joogay Kulankan: –

Xild. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)

Xild. Axmed Ducaale Bulaale

Xild. Maxamed Axmed Cabdi(Carabeyto)

Xild. Maxamed Jamac Cabdi

Xild. Ibraahim Caraale Cabdi

Xild Aden Muxumed Hoori (Mataan)

Xild. C/Raxmaan Muuse Jamac

Xild. Maxamed Axmed Maxamed(Dhakool)

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*