Gudida dhaqaalaha oo Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka wax ka waydiiyey Cashuuro aan sharci ahayn oo ay qaadaan

0
61

Gudidda Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiilada JSL ayaa maanta Kulan ay ugu yeedheen Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland mudane Cabdilaahi Abokor
Kulankan oo uu Shirgudoominayay Gudoomiye Ku-Xigeenka Gudidda Mudane Maxamud Axmed Obsiye ayaa lagaaga wada hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayen

  1. Cashuurtii Sumada Gaadiidka ee Goluhu hore u joojiyey
  2. Bedelka Sumada Gadiidka.
  3. .Qiima dhimista Taarikada Cusub.
  4. .Mashruuca berbera Coridor.
  5. Dhimsayaasha Wadooyin Cusub 5.Qodobo kale
    Gudida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maadaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyada la ansixinayay, isla markaana waxay gudidu wasiirka indhaha u saartay Goaankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyada ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.
DSC_1173

Wasiirka ayaa Gudida u sheegay inaanay wasaaradiisu arintan ka warhaynin isla markaana ay gudidu wasaarada maaliyada kala xidhiidho arintan.

DSC_1182
DSC_1189
DSC_1192

Wasiirka ayaa si adag looga xog waraystay wadada Berbera Corridor iyo sida loo dhisayo wasiirkuna gudida wuu u faahfaahiyey

Bahda Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha
ee Golaha Wakiilada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here