Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada ayaa kulan la yeelatay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibedda

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada ayaa Maanta (isniin) 12/02/2018 kulan la yeelatay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibedda.

 

received_954345364729375 received_954339461396632 received_954345184729393


Kulanka ay maanta kula yeelatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu Xafiiskeeda Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibedda Md. Sacad Cali Shire.

waxaana ugu horayn kulanka furay Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah Md:- Cali Obsiiye Diiriye(Cali Gabiley) wuxuuna wasiirka wasaarada Arrimaha Dibedda uga waramay yeedhmada ay guddida u yeedhay oo ah arin dastuuriya waana xog-waraysi guud oo ah xogogaal u noqoshada hawlaha ay Wasaarada qaranka u hayso, iyadoo ka wakiila guddida joogtadu golihii iyo umadiiba , runtii waxyaalaha aan kaa waraysanaynaa ay yihiin warbixinta guud ee wasaarada Arrimaha Dibedda Jsl iyo hawlaheeda shaqo in aad naga siiso warbixin guud oo tafaftiran iyo qorshe hawleedka wasaarada iyo halka ay marayso iyo siday hawluhu u socdaan guud ahaan Wasaarada Arrimaha Dibedda Jsl. Wixii su’aala ah ee xildhibaanadu ay hayaana wey ku weydiin doonaan warbixinta marka aad dhameyso.

Intaa ka dibna waxa uu gudoomiyuhu ku wareejiyey hadalka oo qaatey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibedda Jsl Mudane. Sacad Cali Shire oo bilaabey si uu guddida u siiyo warbixinta guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Jsl, waxaanu yidhi oo uu ku bilaabey hadalkiisa:-

Aad iyo aad baan u mahadsan tihiin, marka hore waan idinka mahad celinayaa marti qaadka aad igu marti qaadeen inaan idin hor imaado sharafna way ii tahay oo waa waajibkiini oo idinkuna waajibkiini ayaad godanaysaan ana waajibkaygii kana soo ajiibo, ugu horeyn waxaan jecelahay in aan ku bilaabo wasaarada guud ahaan iyo hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayso iyo waxqabadkeeda iyo siyaasadeeda iyo qorshe hawleedka sanadkan 2018 wasaarada arrimaha dibedda oo aan warbixin idinka siiyo kooban.

Horta wasaaradu waxay leedahay shan u jeedo waxay qabatana waxa loo qaybin karaa 5 qaybood guud ahaan

mid waa siyaasadii

iibinta qadiyada wadanka iyo saaxiib samaysiga iyo ictiraaf doonka iyo arimaha la xidhiidha

dhaqaalaha (maalgashi raadin iyo in ay raadiso mucaawimo)

security

Hawl Galinta Qurba Joogta

Markaa wasaaradu waxay u kala qaybsan tahay laba oo qaybi waa xarunta halkan oo xarunta waxa jooga 84 shaqaale ah, waxayna leedahay lix waaxood

Waaxda maamulka

Waaxda protocol-ka

Waaxda siyaasada (oo isagu sii kala qaysamaya)

Waaxda communication-ka

Waaxda sharciyada

Waaxda cilmi baadhista

Qaybta labaadna waa dibeda oo waxaan ku leenahay 29 wakiil, 29 wakiil waa sadex qaybood 9 ka midi waa xafiisyo aynu leenahay oo shaqaale leh oo furan oo laga shaqeeyo,  9 xafiis waxay ku kala yaaliin Kenya Nairobi, Ethiopia Addis Ababa, Djibouti, Yemen Sanca, Dubai, China, Sweden, England, USA. Waxa iyana jira wakiilo inoo jooga wadamo oo laakiin mushahar ku qaata waa wakiilka south Sudan, Turkey, France, Belgium, Norway, Canada, AU, markaa waa safiiro uu madaxweynuhu magacaabay oo wakiil inooga ah wadamadaa, waxa iyana jira 9 wakiilo oo aan mushaharna qaadan oo waa wakiil sharafeed oo inoo kala jooga Tanzania, Uganda, Malaysia, Holland, Denmark, Germany, Finland, Ireland, Kuwait iyo Cuman intaasi waa wakiiladeena dibeda. Waxa jira niman khubaro ah oo kale oo aan adeegsano oo inala shaqeeya.

Ujeedooyinka sanadkan 2018 waxa ka mid ah oo qorshaha noogu jirta

Dib u habaynta wasaarada (gaar ahaan wakiilada dibeda) oo aan xoojino inta muhiimka,

In aynu Somaliland qadiyadeeda gayno caalamka meelo badan

Sidii aynu u adeegsan lahayn warbaahinta caalamka oo aan saaxada isu gayn lahayn oo aan codkeena kor u qaadi lahayn.

Waxa qorshaha noogu jira wada hadaladii Somaliland iyo Somalia in dib loo bilaabo

In aan maalgashi shishee aan keeno wadanka

Dhamaystirka heshiisyo qabyo ah

Si hadaba ay u fulaan hawlahaasi waa in socd badan la sameeyaa sanadkan oo imika halkan waxa noogu qoran in 34 wadan cid loo diro

Qaar madaxweynuhu tago, qaar baarlamanku tago, qaar aan anigu tago, qaar axsaabtu tagto oo aan meel walba cid u dirno ayaa loo baahan yahay Africa eurpore usa beriga dhexe, asiya intaaba cid u dirano ayaa qorshaha noogu jirta iyo in aan ka qayb qalno shirarka caalamiga waayo shir kasta oo aad ka qayb qaadato wuxuu kor u qaadayaa magacaaga.

Intaa ka dibna waxay guddidu warbixin ka dhagaysteen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibeda Jsl waxaanu wasiirku halkaa ka jeediyey warbixin guud oo dhinacyo badan taabanaysa.

Intaa ka dibna waxay Xildhibaanada Guddida Joogtadu weydiiyeen su’aalo kooban  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibeda Jsl oo uu dhamaanba ka jawaabey su’aalahaas.

Ka dibna waxa kulanka soo xidhay Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah Md:- Cali Obsiiye Diiriye(Cali Gabiley)  oo u mahadceliyey wasaarada arrimaha dibeda siday u soo ajiibeen yeedhmadii loo yeedhay ee ay guddida joogtadu ay u yeedhay iyo warbixintii guud ee uu siiyey guddida.

Xubnaha Guddida Joogtada Ah Ee Joogay Kulankan: –

Xild. Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)

Xild. Axmed Ducaale Bulaale

Xild. Cali Sh.Ibraahim Aareeye

Xild. C/Raxmaan Muuse Jamac

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*