Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka oo kulamo la qadatay Hanti dhawraha Guud ee Qaranka JSL.

Somaliland parliament(Hargeisa).Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka oo kulamo la qadatay Hanti dhawraha Guud ee Qaranka
Waxa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku kulan xogwaraysi ah la yeesheen Hanti dhawrka Guud ee Qaranka si xog-waraysigaas ay uga helaan xog ku saabsan arrimaha xisaab xidhyadii kala dambeeyey oo ay ka mid yihiin xisaab xidhkii 2014 iyo xisaab xidhkii 2015. Waxa uu xog ka bixiyey Hanti dhawrka guud xisaab qaranka guud ahaan ee kala dambeeyey, maadaama oo inta lagu jiro kalfadhigan 33aad ay guddida Ilaalinta iyo Dabaglka Hantida Qaranku horkeenaan fadhiga Golaha xisaab xidhyadaas aynu kor ku soo sheegnay.
Guddida dhawaanahanba waxay gacanta ku haysay isku duba rida warbixin ku saabsan xisaab xidhka Qaranka, iyadoo ka shaqaynaysay sidii xisaab xidhadaasi ay u noqon lahaayeen kuwo hufan oo si fiican ay u eegaan ugana baaraadaan degaan ka dibna Golaha weynaha horkeenaa, iyaga oo maalmahan qabanqaabadiisa ay guddidu waday sidii ay xisaab xidhka ugu samayn lahaayeen kulan dadweyne oo furan (Public Hearing), si ummada iyo Qarankaba loogu horseedo nidaam ku salaysan isla xisaabtan (Transpierce and accountability), kaas oo ka imanaysa dhammaan laamaha dawlada.
Waxa gabo-gebadii Guddidu iyo Hanti dhawrka Guud isla qaateen sidii ay u wada yeelan lahaayeen kulamo kale oo ku saabsan is xog-waraysi qoto dheer oo ku salaysan sixitaan waxa inaga qaldan Guud ahaan, iyada oo Hanti dhawraha iyo Guddidu u balantay inkulamo kale ay yeeshaan.

Xafiiska Warbaahinta Golaha Wakiilada JSL.