Golahii wakiilada 2005

Golahii wakiilada 2005

craxmaan-maxamed-claahi
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada 2005 ilaa hadda C/raxmaan Maxamed C/laahi

Golihii hore ee Wakiilada ee lagu soo doortay qaab beeleed waxa sanadkii 2005 bedelay oo xilkii kala wareegay Gole wakiil oo cusub kuna yimi qaab doorsho oo toos ah,waxaana la odhan karaa golahan wuxuu dhamaystiray geedi socodkii Dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyada Somaliland. Golahan oo ah gole sharci dejineed shacabkuna soo doortay wuxuu damaanad qaaday dhaman ku dhaqanka qodobada Dastuurka Qaranka JSL. Golahan cusubi wuxuu ka koobnaa axsaab qaran oo kala ahaa UDUB, UCID iyo KULMIYE. Waxayna seddexda Xusbi saamiga Kuraasta u kala heleen sidan:

NO

REGION

UCID

KULMIYE

UDUB

GRAND TOTAL

1.

SAHIL

4

2

4

10

2.

AWDAL

3

3

7

13

3.

SANAAG

2

5

5

12

4.

TOGDHEER

4

6

5

15

5.

SOOL

2

4

6

12

6.

HARGAISA

6

8

6

20

 

                  TOTAL

21

28

33

82

           

 

Kalfadhigiisii ugu horeeyay Goluhu wuxuu ku samaystay kuna ansixiyay xeer –hoosaadkii uu ku shaqayn lahaa kana kooban 49 qodob, isla fadhigaa wuxuu Goluhu cod aqlabiyad oo dhan seddex iyo afartan (43) cod ku ansixiyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda. Intaa kadib shir-gudoonku wuxuu soo dhisay Guddi hoosaadyadii soo fududayn lahaa hawsha gole weynaha oo ka koobnaa sided (8) guddi. Dhamaan guddiyadaasi markii ay guddi kastaaba gaar u shirtay waxay doorteen Gudoomiyayaal sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Wakiiladu. Gudiyadaasi waxay kala yihiin:

  1. Guddida Joogtada .
  2. Guddida Dhaqalaha iyo Maaliyadda
  3. Guddida Arimaha Deegaanka, Xoolaha, Beeraha iyo Khayraadka Dibiiciga ah.
  4. Guddida arimaha Bulshada iyo Diinta.
  5. Guddida Arrimaha Guddaha,Nabadgelyada iyo Difaaca.
  6. Guddida dastuurka, Garsoorka Cadaalada iyo Xuquuqul insaanka
  7. Guddida Siyaasada Arimaha Dibada, iskaashiga Caalamiga ah.
  8. Guddida ilaalinta Daryeelka Hantida Qaranka

Mudadii uu Golahani jiray wuxuu ansixiyay 25 xeer, oo ahaa xeerar sidooda loo ansixiyay iyo xeerar wax-ka bedel iyo kaabis lagu sameeyey.