Golaha Wakiilada 1993

Golahii wakiilada 1993

axmed-cabdi-maxamed-xaabsade
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada 1997 Axmed Cabdi Maxamed (Xaabsade)

Sida ku qoran qodobka 9aad ee Axdi-Qarmeedka in qaabdhismeedka Dawladda mudda kala guurka ka koobnaan doonto saddex Gole oo kala ah: Golaha Guurtida Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumada.

Waxa kale oo Axdi –Qarameedka qodobkiisa 11aad si faahfaahsan loogu sii qeexay qaabdhismeedka xilka, awoodaha, tirada xubnaha iyo shuruudaha xubinimada looga baahan yahay Golahan. Haddaba, iyada oo loo cuskanayo tilmaamaha Axdi-qarameedku jeediyay ayaa markii ugu horeysay Jamhuuriyada Somaliland la dhisay Golahii Wakiiladda ee 3aad bishii may 1993-kii Golahaa oo ka koobnaa 75 xubnood, waxaana soo xulay madax-dhaqmeedyada Beelaha Somaliland. Iyada oo saami qaybsiga Golahaas lagu saleeyay saamigii beeluhu ku kala lahaan jireen Baarlamaanka 1960-kii oo ahaa (33) seddex iyo soddon xubnood, guud ahaan Dalka Somaliland oo dhan. Golahaasi wuxuu fadhigiisii ugu horeeyay ku doortay Gudoomiye, Gudoomeye Xigeenka 1aad, Gudoomiye Xigeenka 2aad, Xoghaye Guud oo magacyadoodu kala ahaayeen sidan:

  1. Axmed Cabdi Maxamed (Xaabsade)
  2. C/raxmaan Xuseen Cabdi (Beedaani)     Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad.
  3. Cilmi Xirsi Cali        Gudoomiye-ku-xigeen.

Golaha wakiilada oo mudda xilkoodu dhamayd 2 sano waxa waajibadkooda ugu mihiimsan ka mid ahaa

  1. Dajinta dhamaan shuruucda uu dalku u baahan yahay iyo samaynta dastuur dalku yeesho.
  2. Qabashada doorashooyin loogu tartamo xilalka qaranka.

Nasiib daro ma jirin in si buuxda loo hor mariyo hawlahaas mihiimka ahaa ee laga sugayay guud ahaan dawlada gaar ahaana Golaha Wakiiladda. Waxa jirtay duruufo adag oo ay ka mid ahaayeen: xarun lagu shaqeeyo oo aan jirin, aqoon, kibrad iyo adeegyo kale oo la dhaxlayna ma jirin. Inkasta oo duruufahaasi jireen haddana waxa xubnihii goluhu tamartooda isugu geeyeen iny sees u dhigeen dhismaha Golaha Wakiiladda, waxayna sameeyeen xeer hoosaad ay isku maamulaanoo ay soo diyaariyeen Guddi 15 xildhibaan ka kooban oo Goluhu u igmaday.

Wuxuu Golahaasi dhistay Lix Guddi hoosaad oo loo xilsaaray hawlaha kala duwan ee golaha waxayna kala ahaayeen.

  1. Guddida Joogtada ah.
  2. Guddida arrimaha Bulshada.
  3. Guddida Dhaqalaha.
  4. Guddida Siyaasada arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah.
  5. Gudidda Shuruucda.
  6. Guddida N/gelyada iyo arimaha Gudaha.