Gudida Garsoorka iyo Xuquuqal iinsaanka ee Golaha Wakiilada oo Kulan la qaatay ururada Xuquuqal iinsaanka ka shaqeeya

Hargeysa(SomalilandParliament) 06/05/2017 Waxay Guddida Dastuurka, Garsoorka, Cadaalada iyo X. Insaanka ee Golaha Wakiiladu kulan la yeelatay Ahmed Yuusuf Xuseen oo ka socday Compad,  Mawliid oo ka socday HRC iyo ZamZam X. Adan oo ka socotay Somaliland Hope charity organization,.

kulankan oo uu gudoominayay gudoomiyaha Gudidda mudane Siciid Cilmi Rooble ayaa Waxay   ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa sidii wax looga qaban lahaa tacadiga ku xadgudubkaXuquuqal insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanamaha iyo sidii gudida iyo hay’adaha ka shaqeeya xuquuqal insaanku iskugu xidhmi lahaayeen uma wada shaqayn lahaayeen.

kulan oo ka dhacay Xafiiska Gudiddu ku leedahay golaha wakiilada ayaa ku soo gebogeboobay is afgarad iyo sii wadista iyo xoojinta hawlaha Xuquuqal iinsaanka ee ay ku hawlan yihiin, guddiduna waxay uraradan u balan qaaday inay sida ugu dhaw ula shaqayn doonto iyadoo wakiil ka ah golaha wakiilada JSL.

18362101_10154745901299037_1753448992_o 18362646_10154745898804037_2133482078_o

Save

Save